2022 FIFA World Cup

Raheem Sterling oo ka codsaday FA-ga ingiriiska in uu dib ugu soo laabto dalka Qatar

Raheem Sterling ayaa ka codsaday xiriirka kubadda cagta Ingariiska in uu dib ugu soo laabto xulka England ee ka qeyb-galaya koobka Adduunka ee ka dhacaya Qatar, sida laga soo xigtay ilo ku dhow ciyaaryahanka.

Xiriirka kubada cagta Ingariiska ayaa la filayaa in maanta oo khamiis ah ay go’aan ka soo saaraan dib ugu laabashada Sterling ee dalka Qatar, iyadoo Xulka England uu Sabtida la ciyaari doono France wareegga siddeed dhammaadka koobka Adduunka.

28-jirka garabka kaga ciyaara ee Chelsea ayaa ka tagay xulka Axaddii kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in kooxo tuugo ah ay u dhaceen gurigiisa.

Sterling ayaa seegay kulankii England ay 3-0 kaga badiyeen Senegal ee wareegga 16-ka koobka Adduunka uu ku soo laabtay dalkiisa.

Wakiilkiisa ayaa sheegay in qoyskiisu ay guriga joogeen markii ay u soo dhaceen burcadda hubeysan.

Sterling ayaa la sheegay inuu dareemay cabsi badan oo qoyskiisa iyo carruurtiisa ah.

Si kastaba ha ahaatee, bayaan ay soo saareen booliiska Surrey ee magaalada London ee uu degan yahay Raheem Sterling ayaa sheegay inay baarayaan warbixin ku saabsan in la jabsaday guriga kaddib markii laga qaatay dahab iyo saacado lagu qiimeeyey 300 oo kun oo gini, balse aysan jirin wax dhibaatooyin kale ah.

Ilaa hadda ma jirto cid loo soo qabtay falkan lagu jabsaday guriga Sterling, hase yeeshee booliska waxay sheegeen inay wadaan baaritaanno ay ku soo qabanayaan tuugadii ka dambeysay dhaca loo geystay guriga xiddiga xulka qaranka England.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button