Morocco vs Portugal… (Xaqiiqooyinka aad u baahan tahay inaad ogaato ka hor kulanka maanta ee siddeed dhammaadka Koobka Adduunka)
Iyadoo Koobka adduunku uu ku sii dhow yahay inuu dhammaado ayaa xulka qaranka Morocco oo doonaya inuu taariikh sameeyo uu maqribnimada maanta oo Sabti ah waxa uu garoonka Al Thumama ku wajahayaan xulka qaranka Portugal, kulan ku tirsan siddeed dhammaadka Koobka Adduunka.
Morocco haatan waxa ay u dagaalamayaan sidii ay ugu soo bixi lahaayeen afar dhammaadka Koobka Adduunka, Atlas Lions ayaana rigooreyaal ku soo reebay xulka qaranka Spain ka hor inta aysan soo gaarin heerkan markoodii ugu horreysay.
Xulka Morocco ayaa noqon kara qarankii ugu horreeyey ee Afrikaan ah oo gaara afar dhammaadka ama Semi-finalka Koobka Adduunka ay maanta garaacaan Portugal.
Sidoo kale waa dalka keliya ee Islaamka ah ee ku haray dalka Qatar, waxana xusid mudan in Qatar ay tahay dalkii ugu horreeyay ee Carbeed ee martigeliya tartanka koobka Adduunka.
Tababaraha xulka qaranka Morocco ee Walid Regragui ayaa sheegay in xulkiisu ay dareemayaan taageerada dhammaan dadka Afrikaanka ah iyo kuwa Carabta ah, kuwaasoo doonaya inay taariikh ka dhigaan koobka adduunka sanadkan.
Xulka qaranka Portugal ayaa dhankiisa doonaya inuu garaaco Morocco oo iska xaadiriyo afar dhammaadka Koobka Adduunka, halkaasna ku sugo xulkii caawa soo adkaada England iyo France.
Wararka labada xul:-
Romain Saiss ayaa xaaladdiisa la qiimeyn doonaa ciyaarta ka hor, kaddib markii laga daweeyay kulankii Spain xanuun dhanka muruqa ah ka hor inta uusan ciyaarin.
Nayef Aguerd ayaa u muuqda mid seegaya kulankan kaddib markii uu ka soo muuqday guushii ay ka gaareen Spain, isagoo u muuqday inuu sheeganayo dhaawac gumaarka ah.
Nuno Mendes ayaa laga saaray koobka adduunka kaddib dhaawac ka soo gaaray bowdada.
Danilo Pereira oo aan ka mid ahayn kooxdii guusha ka gaartay Switzerland ayay u badan tahay inuu kulankan seegi doono.
Goncalo Ramos ayaa laga yaabaa inuu booskiisa sii haysto kaddib markii uu saddexleey ugu shubay xulka Switzerland.
Xaqiiqooyinka kulanka:-
- Kulankan ayaa noqon doona kulankii saddexaad ee ay wada ciyaaraan xulalka Morocco iyo Portugal, iyadoo labadii kulan ee hore ay labaduba ahaayeen koobka adduunka, Morocco ayaa 3-1 ku adkaaday ciyaartii ugu horreysay ee ka tirsanayd heerka guruubyada koobka Adduunka ee sanadkii 1986-kii, ka hor inta aysan Portugal 1-0 ku badinin tartankii koobka Adduunka ee 2018 oo ay sidoo kale isku guruub ahaayeen.
- Kulankii ugu dambeeyay ee Switzerland, xiddiga xulka qaranka Portugal ee Goncalo Ramos ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee saddexleey ka dhaliya koobkii adduunka kulankiisii ugu horreeyey oo uu ciyaaray tan iyo Miroslav Klose oo sidaas oo kale sameeyey Koobkii Adduunka ee 2002.
- Morocco ayaa shabaqeeda gool ka ilaashatay saddex kulan oo ka mid ah afartii kulan ee ay ciyaareen koobka adduunka 2022, waana xulka ugu badan ee Afrikaan ah oo sidaasi ka sameeya hal tartan oo koobka adduunk ah.
- 12-ka gool oo ay dhaliyeen Portugal waxaa u kala dhaliyey siddeed ciyaaryahan oo kala duwan, taasoo ka dhigaysa xulka xiddigaha ugu badan ee kala duwani ay goolal uga dhaliyeen Koobka Adduunka.
Kulammada ay horay u soo wada ciyaareen labadan xul ee Morocco & Portugal:-
Guud ahaan labadaan xul ayaa horay u kulmay labo goor, xulka Morocco ayaa adkaaday hal kulan, halka xulka Portugal uu isna badiyey halka kulan oo kale.
Labada kulan oo ay isku arkeen horay labadaan xul ayaa haa Koobka Adduunka, waana ay kala qaateen guulaha, mana jiro ilaa iyo haatan wax barbaro ah.
Muddadaas labada kulan ah xulka Morocco waxa uu dhaliyey 3 gool, halka xulka Portugal uu dhaliyey 2 gool.
Labada kulanka iyo taariikhda ay ciyaareen labadan dal:-
June 11, 1986: Morocco 3-1 Portugal (FIFA World Cup)
June 20, 2018: Morocco 0-1 Portugal (FIFA World Cup)
Ogeysiiska ciyaarta:-
Tartanka: Koobka Adduunka 2022 – Wareegga siddeed dhammaadka.
Xulalka: Morocco & Portugal.
Garoonka: Al Thumama Stadium.
Garsooraha: Facundo Tello (Argentina).
Taariikhda: 10 December 2022.
Saacadda: 06:00 Maqribnimo xilliga geeska Afrika.
Safafka suurogalka ah oo ay ku soo geli karaan maanta labada xul:-
Morocco: Bounou; Hakimi, Saiss, Aguerd, Mazraoui; Ounahi, Amrabat, Amallah; Ziyech, En-Nesyri, Boufal.
Portugal: Costa; Dalot, Pepe, Dias, Guerreiro; B. Silva, Carvalho, Otavio; Fernandes, Ramos, Felix.
Astaan Sports