Maxay tahay sirta ka dambeysa in xulka qaranka Morocco uu iska xaadiriyo Semi-finalka Koobka Adduunka 2022?
Koobka Adduunka ee ka soconaya dalka Qatar ayaa gabagabo ku dhow, waxaana haatan isugu soo haray afar xul oo kala ah Morocco, France, Argentina iyo Croatia.
Xulka qaranka Morocco ayaa taariikh dhigay kaddib markii ay xalay koobka Adduunka ka reebeen Portugal, markii ay kulan ku tirsan siddeed dhammaadka tartankan ku wada ciyaareen garoonka Al Thumama.
Xulka Morocco ayaa noqday qarankii ugu horreeyey ee Afrikaan ah ee gaara afar dhammaadka ama Semi-finalka Koobka Adduunka.
Sidoo kale Morocco waa dalka kaliya ee Islaamka ah ee ku haray dalka Qatar ee weli aan laga reebin koobka Adduunka, waxana xusid mudan in Qatar uu yahay dalkii ugu horreeyay ee Carbeed ee martigeliya tartanka koobka Adduunka.
Morocco ayaa kaalinta koowaad kaga soo baxday Guruubkeeda Koobka Adduunka, waxaana ay ka sarreeyeen Croatia iyo Belgium, markii ay soo gaareen heerka bug-baxa Koobka Adduunka waxa ay reebeen Spain iyo Portugal waxaana ay sidaas ku noqdeen xulkii ugu horreeyey ee ka socda qaaradda Afrika oo gaaraa Semi-finalka Koobka Adduunka.
Atlas Lions waxa ay rigooreyaal ku soo reebay xulka qaranka Spain ka hor inta aysan 1-0 uga adkaan xulka qaranka Portugal oo aysan heerkaan soo gaarin markoodii ugu horreysay.
Inta taariikhda la ogyahay kaliya afar Waddan oo Afrikaan ah ayaa soo gaaray siddeed dhammaadka Koobka Adduunka dhanka ragga, Morocco ayaana sanadkaan ka mid noqotay, waxaana ay kala yihiin Cameroon (1990), Senegal (2002), Ghana (2010) iyo Morocco (2022).
Tababaraha xulka qaranka Morocco ee Walid Regragui ayaa sheegay in xulkiisu ay dareemayaan taageerada dhammaan dadka Afrikaanka ah iyo kuwa Carabta ah, kuwaasoo doonaya oo jecel inay taariikh ka dhigaan koobka adduunka sanadkan 2022.
Haddaba maxay tahay sirta ka dambeysa in xulka qaranka Morocco uu iska xaadiriyo Semi-finalka ama afar dhammaadka Koobka Adduunka 2022?
Sirta guusha iyo Semi-finalka ay ka gaareen Koobka Adduunka xulka qaranka Morocco ayaa lagu sheegay dhowr qodob:-
1- Macallinka xulka Morocco ee Walid Regragui 47-sano jir ah waa qeyb ka mid ah guusha Morocco, maxaa yeelay waxa uu ku dhashay Faransiiska, waxaana uu cilmi ahaan u bartay xirfadda tababarenimada, sidaas awgeedna waxa uu isku daray labo hab oo ah taatikada reer Yurub iyo tan Afrika ah, iyadoo uu u soo baxay xul ay adag tahay in laga adkaado.
2- Tababare Regragui waxa uu sidoo kale isku soo uruuriyey waaliddiinta xiddigaha ka qeyb-galaya Koobka Adduunka ee xulka qaranka Morocco oo uu u sheegay inay waajib tahay inay yimaadaan oo ay soo daawadaan kulammada ay ciyaarayaan wiilashooda si ay niyad u helaan.
3- Xiddigaha haatan u ciyaaraya xulka qaranka Morocco 19 ka mid ah waxa ay ka ciyaaraan shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub, xiddigaha kale oo soo harayna waxa ay laftuudu ku dhasheen dibadda, iyagoo akadheemiyo dibadda ah ka soo baxay, xitaa waxaa ku jira xulka Morocco xiddigo diiday inay dalal kale Metelaan sida Ashraf Xakiimi oo iska diiday qaranka Spain.
4- Xulka Morocco waxa ay taageere wayn ka helayaan jaaliyadda Morocco ee ku dhaqan dalka Qatar kuwaasoo gaaraya 12 kun iyo 500 oo qof, halka kumaanaan kale oo taageerayaal Morocco ah ay yimaadeen Qatar si ay u garab istaagaan dalkooda.
Intaas kaliya ma’ahane sidoo kale waxaa taageeraya xulka Morocco boqolaal kun oo taageerayaal ah dadka carbeed iyo Afrikaanba ah, kuwaasoo u taageeraya inay yihiin Morocco dalka kaliya ee carab iyo afrikaan ah ee ay rajada kaleeyihiin ee ku horay Koobka Adduunka haatanna ka taagan afar dhammaadka.
Intaas oo isbiirsaday ayaa lagu sheegay guusha Xulka Morocco oo xalay taariikh sameeyey markii ay dalka Qatar ka direen qaranka Portugal, waxaana ay afar dhammaadka Koobka Adduunka kula ciyaari doonaan xulka difaacanaya Koobka Adduunka ee France.
Astaan Sports