2022 FIFA World Cup

Sheekooyin laga yaabo inaadan ka ogeyn Luka Modrić oo haatan taagan afar dhammaadka Koobka Adduunka 2022

Luka Modrić had iyo jeer noloshu uma fududeyn, haatan ari raacihii qaxootiga ahaa ee ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’or waxa uu taagan yahay afar dhammaadka Koobka Adduunka 2022.

Kabtan Modrić & xulkiisa qaranka Croatia ayaa iska xaadiriyey Semi-finalka Koobka Adduunka 2022 kaddib markii ay reebeen Brazil, waxaana ay madaxa gelin doonaan xulka uu hoggaamiyo Lionel Messi ee Argentina.

Halkaan hoose waxaan idin kugu soo gudbinaynaa sheekooyin laga yaabo inaad ka ogeyn xiddigan khadka dhexe ee Luka Modrić.

– Modrić carruurnimadiisii waxay ku soo beegantay dagaalkii xornimada ee dalkiisa Croatia.

Awowgiis ayaa lagu toogtay meel ku dhow gurigiisa, taasoo keentay inay halkaasi ka cararaan isaga iyo qoyskiisa, Modrić waxa uu noqday qaxooti waxaana uu qoyskiisa kula noolaa muddo 7 sano ah Hotel-ka la yiraahdo Kolovare ee ku yaala Magaalada Zadar ee dalkiisa Croatia.

Yaraantiisii waxa uu ahaa ari raace, laakiin riyadiisa ciyaaryahannimo ayuu rumeeyey, waxa uuna laacibka kooxda Real Madrid ku guuleystay 2018 abaal-marinta xiddiga ugu fiican Adduunka ee Ballon d’or.

Luka Modrić oo 37-sano jir ah waxa uu kulankii reebeen xulka Brazil ka sameeyey 140 kubbad taabasho, waxaana uu ahaa kan ugu taabashada badanaa dhammaan xiddigihii garoonka ku jiray.

Kabtan Modrić ayaa xulkiisa Croatia waxa uu ku hoggaamiyey wareegga afar dhammaadka Koobkii adduunka ee labaad oo xiriir ah, kaddib markii ay Rigoorayaal uga adkaadeen Brazil.

Waxa ay 13 bishan December oo ku beegan Talaadada soo aaddan la ciyaari doonaan xulka Argentina, haddii uu adkaado Modrić xulkiisa Croatia waxa uu si xiriir ah u gaari doonaa Final-ka Koobka Adduunka, kaddib markii sidaan oo kale ay iska xaadiriyeen sanadkii 2018, markaasoo ay guuldarro kala kulmeen France.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button