Croatia vs Argentina.… (Xaqiiqooyinka aad u baahan tahay inaad ogaato ka hor kulanka caawa ee afar dhammaadka Koobka Adduunka)
Joogitaanka Lionel Messi ayaa Argentina siin doonta faa’iido gaar ah marka ay wajahaan Croatia semi-finalka Koobka Adduunka, ayuu yiri daafaca xulka Argentina ee Nicolas Tagliafico.
Natiijadii ay Argentina ka gaartay kulankii Talaadadii waxaa si weyn u dhiirigaliyay Messi, weeraryahanka ayaa dhaliyay afar gool, isagoo caawiyay labo ka mid ah sagaalkii gool ee ay dhaliyeen xulka Argentina.
“Wuxuu had iyo jeer ahaa mid muhiim noo ah” ayuu yiri daafaca bidix ee Lyon, Tagliafico.
“Annaga isagaa noo ah kabtankeenna iyo hoggaamiyaheenna, isaga ayaa nagu riixay inaan soo gaarno heerkan.”
Messi iyo Modric waa fursadii ugu dambeysay ee koobka adduunka ay ciyaaraan waana arrin kaloo xiiso gaar ah u yeeleysa ciyaarta caawa u dhexeysa labada xul.
Messi oo ah 35 jir ayaa sidoo kale leh taariikho kale oo shaqsi ah, isagoo isha ku haya inuu Argentina ku hoggaamiyo guushii ugu horreysay tan iyo 1986-kii oo ah markii ugu dambeysay ay ku guuleystaan koobka Adduunka.
Si la mid ah Messi ayaa barbareeyay gooldhaliyaha ugu goolasha badnaa Argentina ee Gabriel Batistuta kaas oo tartankan dhaliyay 10 gool, Messi ayaa sidoo kale hal caawin u jira inuu barbareeyo rikoorka guud Diego Maradona ee dhanka caawinta Koobka Adduunka.
“Isaga waa kan na siiya faa’iidadaas gaarka ah marka aan garoonka ku jirno,” ayuu hadalkiisa raaciyay Tagliafico.
“Waan ognahay inaan heysano Messi, waxay inoo tahay dhiirigelin iyo rajo ah, sababtoo ah dhammaanteen waan ognahay inaan wax ku biirin karno oo aan bixin karno waxa ugu fiican, runtii aad ayaan ugu faraxsannahay in Messi uu noqdo kabtankeenna.”
“Aniga & saaxiibadeen waxaan garab taaganahay isaga, waxaan dhammaanteen ka wada shaqaynaynaa sidii aan u gaari lahayn riyooyinkeenna, waana waxa ugu quruxda badan in aan samayno iyadoo uu Messi garabkeenna joogo” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay daafaca bidix ee Kooxda Lyon, Tagliafico.
Croatia waxay doonaysaa inay abuurto taariikh badan:-
Dadka ku nool Croatia oo gaaraya afar milyan oo qof ayaa sugayo in xulkooda uu ku guuleysto koobka Adduunka iyagoo gaaray final-ka Koobka sanadkii 2018-kii, hase yeeshee ay guuldarro ka soo gaartay xulka France.
Tababaraha Croatia ee Zlatko Dalic ayaa sheegay inay ka gudbi doonan xulka Argentina si ay u gaaraan final-ka markii labaad ee isku xigta Koobka Adduunka.
Haddii Croatia ay guul ka gaarto Argentina waxay noqon doonaan xulkii labaad oo garaaco Brazil iyo Argentina, waxaana sidaas hore u sameeyay xulka Jarmalka oo sanadkii 2014-kii wareegga afar dhammaadka ku reebay Brazil, halka xulka Argentina ay ka qaadeen final-ka Koobka Adduunka.
“Kulankii semi-finalka ee England koobkii adduunka ee ugu dambeeyay 2018-kii wuxuu ahaa kulankii ugu weynaa abid, halka kulankii labaad uu ahaa Brazil.” ayuu yiri Dalic.
“Haddii aan caawa badino taasi waxay ka dhigaysaa ciyaartii taariikhiga ahayd ee ugu weynayd Croatia abid.
“Waxaan ka mid nahay afarta xul ee ugu fiican adduunka taasi waa guul aan caadi ahayn oo Croatia u soo hoyatay, waa wax aad u wanaagsan in laba koob Adduun oo isku xiga ay ka mid noqono afarta xul ee kubadda cagta ugu fiican.” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay tababaraha xulka Croatia.
Wararka labada xul:
Argentina waxaa ka maqnaan doona Marcos Acuna yo Gonzalo Montiel, iyadoo Tagliafico uu ka ciyaari doono daafaca bidix.
Angel di Maria iyo Rodrigo de Paul ayaa taam u noqon doona inay u ciyaaraan xulkooda Argentina caawa.
Tababaraha Croatia ee Dalic ayaan wax walaac ah ka qabin dhaawac ama ganaax, waxaana uu haystaa saf dhammeystiran, iyadoo Borna Sosa iyo Mislav Orsic ay ka soo kabsadeen xanuun.
Xaqiiqooyinka kulanka:
Waa markii saddexaad ee ay isku arkaan xulalka Argentina iyo Croatia koobka adduunka, waana markii ugu horreysay oo ay isku arkaan wareegga bug-baxa koobka Adduunka, Argentina ayaa 1-0 ku badisay ciyaar dhacday 1998-dii, ka hor inta aysan Croatia 3-0 ku badinin koobkii Adduunka 2018-kii ee Russia.
Argentina ayaa isha ku haysa in ay gaarto final-ka koobka adduunka markii 6-aad, waxaana tiro ahaan ka badan xulka Germany oo siddeed jeer gaaray final-ka koobka Adduunka, Argentina waligood laguma reebin heerka semi-finalka, markii ugu dambeysay waxay garaaceen Netherlands sanadkii 2014-kii.
Argentina ayaa badisay kaliya hal kulan todobadii kulan ee ugu dambeeyay ee koobka adduunka ay wajaheen xulalka Yurub 3 barbaro iyo 3-guuldarro, iyagoo 2-0 ku garaacay Poland heerka guruubyada sanadkan.
Croatia ayaa lumisay final-ka koobkii Adduunka ee 2018-kii, waxayna noqon kartaa qarankii afaraad ee Yurub ah oo xiriir ah u gaara final-ka koobka adduunka, kaddib Italy oo sidaasi sameysay 1934, 1938, Netherlands 1974, 1978 iyo Germany 1982, 1986, 1990.
Xulka qaranka Croatia ayaa badiyay dhammaan afartii mar ee ugu dambeysay oo rigoore ay isla gaaraan xulalka ka soo horjeeda koobka adduunka, iyadoo 2022 ay ku reebeen xulalka Japan iyo Brazil wareegga 16-ka iyo siddeed dhammaadka koobka Adduunka adduunka, xulka kaliya ee kaga badan ku guuleysiga rigoorayaal waa Argentina oo shan jeer ku adkaatay koobka Adduunka rigoorayaal.
Ogeysiiska ciyaarta:-
Tartanka: Koobka Adduunka 2022 – afar dhammaadka.
Xulalka: Croatia & Argentina.
Garoonka: Lusail Stadium.
Garsooraha: Daniele Orsato (Italy).
Taariikhda: 13 December 2022.
Saacadda: 10:00 Habeenimo xilliga geeska Afrika.
Safafka suurogalka ah oo ay ku soo geli karaan maanta labada xul:-
Croatia: Livakovic; Juranovic, Gvardiol, Lovren, Sosa; Modric, Brozovic, Kovacic; Pasalic, Kramaric, Perisic
Argentina: E. Martinez; Molina, Romero, Otamendi, Tagliafico; Fernandez, De Paul, Mac Allister; Di Maria, Messi, Alvarez
Astaan Sports