Lacagaha ay heli doonaan afarta xul ee isugu soo haray afar dhammaadka Koobka Adduunka 2022
Waxaa heer gabagabo ah soo gaaray koobka Adduunka 2022 ee ka soconaya dalka Qatar, waxaana wareegga afar dhammaadka iskugu soo haray xulalka kala ah; Croatia, Argentina, Morocco iyo France haddaba xulalkan imise lacag ah ayey heli doonaan maadaama ay heerkan soo gaareen.?
Sida uu shaaciyey xiriirka kubadda cagta Adduunka ee FIFA, xulka ku guulaysata koobka Adduunka ayaa heli doona abaal-marin lacageed oo dhan 42 milyan oo doolar, xulka kaalinta labaad galena waxa uu heli doonaa lacag dhan 30 milyan oo doolar, halka xulka kaalinta saddexaad ku soo baxa uu heli doono 27 milyan oo doolar.
Xulka kaalinta afaraad ee Koobka Adduunka ku dhammaysta ayaa heli doono abaal-marin dhan 30 milyan ilaa 25 milyan oo doolar.
Miisaaniyadda dhaqaale ee loo qoondeeyay xulalka ka qaybgalaya Koobka Adduunka ee Qatar 2022 ayaa dhan 440 milyan oo doolar, taasoo ah tii ugu badnayd ee taariikhda koobka adduunka, iyadoo koobkii adduunka ee 2018 lagu qabtay Ruushka loo qoondeeyey 400 milyan oo Yuuro, halka Koobkii Adduunka ee Brazil lagu qabtay 2014-kii ay ku baxday 358 milyan oo Yuuro.
Xulalka ayaa lacagaha u kala heli doona sida soo socota:-
1- Ku guuleystaha Koobka Adduunka ayaa heli doona $42 milyan.
2- Xulka kaalinta labaad gala ee koobka laga qaado waxa uu qaadan doonaa $30 milyan.
3- Xulka ku guuleysta Kaalinta saddexaad ee Koobka Adduunka ayaa heli doona $27 milyan.
4- Xulka Kaalinta afaraad ka gala Koobka Adduunka ayaa qaadan doona $25 milyan.
5- Kaalinta 5-aad ilaa 8-aad waxaa xulalka gaara waxa uu midkiiba heli doonaan: $17 milyan.
6- Kaalinta 9-aad ilaa 16-aad waxa uu xul waliba qaadan doonaa: $13 milyan.
7- Boosaska 17-aad ilaa 32-aad wax uu xul kasta heli doonaa: $ 9 milyan.
FIFA ayaa sidoo kale siisay dhammaan xulalka u soo baxay koobka adduunka ee Qatar 2022 lacag dhan 1.5 milyan oo dollar si ay isugu diyaariyaan koobka adduunka.
Sidaas darteed, xulka qaranka Morocco ayaa helaya abaal-marin lacageed oo dhan $25 milyan, kaddib markii ay gaareen markoodii ugu horreysay taariikhda semi-finalka ama afar dhammaadka Koobka Adduunka.
Abaal-marintan ayaa ah tii ugu ballaarnayd ee uu helo xul carbeed taariikhda Koobka Adduunka, kaddib markii FIFA ay go’aansatay inay u qoondeyso xulalka sanadkan ka qeyb-galaya Koobka Adduunka abaal-marin lacageed oo ah kuwii ugu badnaa abid intii la soo ciyaaray Koob Adduun.
Astaan Sports