Madaxweynihii Soomaaliya oo ka mid noqday siyaasiyiin, fannaaniin & dad caan ah oo hambalyo u diray dalka Morocco ee wacdaraha ka dhigaya Koobka Adduunka 2022
Siyaasiyiin, fannaaniin iyo dad caan ah ayaa hambalyo u diray dalka Morocco oo 10-kii bishan December iska xaadiriyey afar dhammaadka Koobka Adduunka, waxaana dadkaas ka mid noqday Madaxweyihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaayo.
Koobka Adduunka ee ka soconaya dalka Qatar ayaa gabagabo ku dhow, waxaana haatan isugu soo haray afar xul oo kala ah Argentina, Croatia, Morocco iyo France.
Xulka qaranka Morocco ayaa taariikh dhigay kaddib markii uu noqday qarankii ugu horreeyey ee Afrikaan ah ee gaara afar dhammaadka ama Semi-finalka Koobka Adduunka 2022.
Sidoo kale Morocco waa dalka kaliya ee Islaamka ah ee ku haray dalka Qatar ee weli aan laga reebin koobka Adduunka, waxana xusid mudan in Qatar uu yahay dalkii ugu horreeyay ee Carbeed ee martigeliya tartanka koobka Adduunka.
1- Madaxweynaha dalka Turkiga ee Recep Tayyip Erdogan ayaa barihiisa bulshada ku soo qoray: “Waxaan si qalbiyan ah ugu hambalyeynayaa xulka qaranka Morocco, kaasoo noqday Afrikaankii ugu horreyay ee soo gaara afar dhammaadka koobka adduunka, sidoo kale waxaan hambalyo leeyahay shacabka Morocco.
2- Fannaanadda reer Colombia ee Shakira ayaa iyaduna barteeda Twitter-ka soo dhigtay: ‘Waa waqtigii Afrika’.
3- Wasiirka arrimaha dibadda ee Maraykanka, Anthony Blinken ayaa isna bartiisa Twitter-ka ku soo qoray: “Afrika oo taariikh samaysa, hoggaan ka haysa garoonka gudihiisa iyo dibaddiisa shir Madaxeedka Afrikaanka iyo Ameerika, waxaan ugu hambalyeynayaa xulka Morocco guusha ay soo gareen, sidoo kale inay yihiin xulkii ugu horreeyay ee Afrikaan iyo Carab ah ee soo gaartay afar dhammaadka koobka adduunka”.
4- Ciyaaryahankii hore ee xulka qaranka Germany ee Mesut Ozil ayaa isna soo dhigay bartiisa Twitter-ka qoraal u dhignaa: “Waan ku faanayaa xulka Morocco guusha ay u soo hooyeen qaaradda Afrika iyo caalamka Islaamka , guusha Morocco waxay dhiri gelin u tahay dad badan”.
5- Elon Mus oo ah Milkiilaha Shirkadda Twitter ayaa bartiisa twitter-ka ku soo qoray: “Hambalyo Morocco”.
6- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka mid ahaa dadka u soo hambalyey dalka Morocco, waxaana uu bartiisa twitter-ka ku soo qoray: “”Dhab ahaantii waxaad naga dhigteen kuwo aan ku faanno Morocco, guushaan way ka weyn tahay inaad u soo gudubteen afar dhammaadka, tani waxay caddeynaysaa in Afrika ay kor u soo kacayso, waxaynu nahay cudud lagu xisaabtamo, hambalyo u soo gudbitaankeenna taariikhda sameeyey ee aad ku soo gaarteen afar dhammaadka Koobka Adduunka… Hambalyo”.
7- Fannaanka Masaarida ee Mohamed Henedy ayaa isna sidaan ku soo qoray bartiisa twitter: “Yaa Allaah yaa allaah , tariikh cusub ayaa la diiwaan galiyay waxaana diiwaan galisay Morocco una diiwaan galisay qaaradda afrika iyo wadamada carabta, waxay dhulka la gariirisay oo ay ka ooyisay dadkii ugu waa weynaa adduunka”.
Morocco ayaa kaalinta koowaad kaga soo baxday Guruubkeeda Koobka Adduunka, waxaana ay ka sarreeyeen Croatia iyo Belgium, markii ay soo gaareen heerka bug-baxa Koobka Adduunka waxa ay reebeen Spain iyo Portugal, iyagoo sidaas ku noqday xulkii ugu horreeyey ee ka socda qaaradda Afrika oo gaaraa Semi-finalka Koobka Adduunka.
Habeen dambe oo Arbaco ah waxa ay la ballansan yihiin xulka qaranka France, haddii ay ka badiyaan waxa qori doonaan taariikh kale oo weyn iyagoo tiigsan doona Final-ka Koobka Adduunka 2022.
Astaan Sports