Taageere saadaashiisu xun tahay oo caan ka noqday koobka adduunka 2022
Warbaahinta wadamada carabta ayaa hadal haysa nin lagu magcaabo Maxamed Al-xajari oo u dhashay dalka Cummaan, maxamed waxa uu ka mid yahay dadka ugu caansan baraha bulshada asagoo soo dhiga muuqaallo qosol badan.
Maxamed ayaa ka mid ah dadka u soo daawashada tagay koobka adduunka ee ka soconaya haatan dalka Qatar, hasa yeeshee waxa uu ku soo caan baxay in uu taageero, isla markaana lebisto funaanadaha xulalka.
Sheekada xiisa badan ayaa ah in xul walba oo uu taageero Maxamed in laga badiyo, taasina waxa ay sababtay inuu si xooggan uga soo muuqdo baraha bushada iyo weliba warbaahinta carabta.
Maxamed ayaa markiisii hore taageeray xulka dalka Qadar oo ah martigeliyaha sanadkan ee Koobka Adduunka, balse waa laga badiyey.
Haddana waxa uu taageeray xulka Argentina kulankii ay la ciyaareen Sucuudiga, markale waa guuldarreystay dalka Argentina, Maxamed intaasi kuma ekaan waxa uu ku lebistay dharka xulka kuuriyada koonfuree, ayagana waa laga badiyey.
Maxamed kama uusan caajisin nidaamkan uu koob adduunka ku soo kordhiyay, waxa uu lebistay dharka xulka Spain, waxaana ay la kulmeen guuldarro, tallaabo kale ayuu qaaday Maxamed Al-xajari oo waxa uu lebistay funaanadda xulka Holand iyagana Tartanka waa laga reebay.
Al-Xajari waxa uu mar kale ku lebistay funaanadda xulka Brazil, iyagana waxaa tareenka Tartanka ka tuuray xulka Croatia.
Marka uu xaalku halkaasi marayo oo uu Maxamed noqday nin caan ah kuna caan baxay nasiibadarrada, taageerayaasha ayaa bilaabay inay ka codsadaan inuu lebesto funaanadda xulka ay markaasi ka soo horjeedaan, waxaana ka mid ahaa wariye u dhashay dalka Morocco oo ka codsaday Maxamed inuu lebisto dharka xulka Portugal, nasiib wanaag waa uu ka aqbalay, burtiqiiskana waa laga badiyey oo Tartanka waa laga diray.
Taageerayaal badan oo u dhashay dalka Morocco ayaa markale Maxamed ka codsaday inuu ku lebisto funaanadda xulka qaranka faransiiska oo afar dhammaadka koobka adduunka la ciyaari doona xulka Morocco Arbacada, balse go’aan ma uusan qaadan weli.
Su’ aasha isweydiinta mudan ayaa ah tolow ma xiran doonaa funaanadda Faransiiska oo ma laga badin doonaa xulka difaacanaya Koobka Adduunka, Maxamedna ma noqon doonaa nin saadaalintiisu ay tahay mid mucjiso ah.?