France vs Morocco.… (Xaqiiqooyinka aad u baahan tahay inaad ogaato ka hor kulanka caawa ee afar dhammaadka Koobka Adduunka)
Ciyaartoyda xulka Afrikaan ah ee Morocco ayaa isku dayi doona inay sii wataan safarkooda quruxda badan ee Koobka Adduunka 2022 marka ay caawa wajahaan xulka qaranka Faransiiska.
Morocco oo noqday xulkii ugu horreeyey ee Afrikaan ah oo iska xaadiriya afar dhammaadka Koobka Adduunka, waxaana ay caawa wajahayaan tijaabo adag, iyagoo garoonka Al Bayt kula ciyaari doona xulka difaacanaya Koobka Adduunka ee France kulanka ugu dambeeya ee afar dhammaadka Koobka Adduunka 2022.
Atlas Lions ayaa 1-0 kaga naxsaday xulka Portugal waxayna u soo gudbeen afar dhammaadka Koobka Adduunka, halka Les Bleus ay 2-1 ku soo direen dhiggooda England si ay u sii nooleeyaan rajadooda inay difaacdaan koobka dunida.
France iyo Morocco midkii soo adkaada caawa ayaa kama dambeysta Koobka Adduunka 2022 ku wajihi doona xulka qaranka Argentina oo xalay 3-0 uga soo adkaaday Croatia.
Wararka labada xul:–
Daafaca dhexe ee France, Dayot Upamecano iyo khadka dhexe ee Adrien Rabiot ayaa shaki laga muujinayaa kulankan kaddib markii labadooduba ay awoodeen kaliya inay dhammaystaan tababarka fudud Talaadadii.
Upamecano kaasoo ka sheeganaya xanuun dhanka cunaha ah ayaa kulankan waxaa booskiisa lagu beddeli karaa Ibrahima Konate haddii uu ku guuldarreysto inuu si buuxda taam u noqdo.
Walid Cheddira ayaa ganaax kaga maqan xulka Morocco kaddib casaankii uu qaatay kulankii Portugal.
Macallinka xulka Morocco ee Walid Regragui ayaa sheegay inuu sugi doono ilaa daqiiqadda ugu dambeysa si uu u qiimeeyo dhaawacyo dhowr ah oo ay qabaan xiddigaha xulkiisa, isagoo diiday inuu shaaciyo xiddigo si rasmi ah dhaawacyo uga maqnaanaya kulankan qarankiisa.
Xiddigaha ay reer Morocco aadka uga walwalayaan waa taam ahaanshaha Nayef Aguerd, kaasoo dhaawac bowdada ah ku seegay kulankii ay guusha ka gaareen Portugal iyo daafacooda dhexe ee Romain Saiss kaasoo lagu qabsbay inuu ciyaaraas dhaawac kaga baxo.
Daafaca Morocco ee Noussair Mazraoui ayaan diyaar ahayn kulankii ugu dambeeyay, waxaana lagu soo warramayaa inuu qabo xanuun dhanka sinta ah, balse waxaa laga yaabaa inuu dib u soo laabto safka xulka kulanka caawa.
Xaqiiqooyinka kulanka:–
Xulka qaranka France ayaa la reebay saddexdii semi-final ee ugu horreeyey oo ay ciyaareen Koobka Adduunka oo kala ahaa 1958, 1982 iyo 1986, laakiin waxa ay guuleysteen saddexdii kulan ee xigtay oo ay ciyaareen marxaladdaan afar dhammaadka kuwaasoo kala ahaa sanadihii 1998, 2006 iyo 2018.
Xulka qaranka Faransiiska ayaa shabaqooda gool ka ilaashan waayey ilaa iyo haatan tartanka koobka adduunka sanadkan, iyagoo kaliya shabaqooda gool ka ilaashaday hal kulan 11 kulan oo ay ciyaareen tan iyo bishii June.
Xulka Morocco ayaa noqon doona xulkii 25-aad ee kala duwan ee ciyaara semi-finalka koobka adduunka, waana markii ugu horreysay ee dal ka socda qaaradda Afrika uu soo gaaro afar dhammaadka tartankan, xulkii ugu dambeeyay ee heerkan oo kale soo gaara markoodii ugu horreysay wuxuu ahaa Spain sanadkii 2010, markaasoo ay 1-0 ku garaaceen Germany una soo gudbeen final-ka Koobka Adduunka.
Xulka Morocco ayaa shabaqooda gool ka ilaashaday afar kulan oo ku tirsan Koobka Adduunka 2022, hal gool ayaa laga dhaliyey inta uu socday tartankan iyaga ayaana iska dhaliyey (Own goal), labadii xul ee ugu dambeeyey ee loo diiwaan geliyey in shan kulan ay shabaqooda gool ilaashadaan hal koob adduun waxay ahaayeen Spain 2010 iyo Italy 2006, waana ay qaadeen Koobka Adduunka.
Ogeysiiska ciyaarta:-
Tartanka: Koobka Adduunka 2022 – afar dhammaadka.
Xulalka: France & Morocco.
Garoonka: Al Bayt Stadium.
Garsooraha: Cesar Ramos (Mexico).
Taariikhda: 14 December 2022.
Saacadda: 10:00 Habeenimo xilliga geeska Afrika.
Safafka suurogalka ah oo ay ku soo geli karaan maanta labada xul:-
France: Lloris; Kounde, Varane, Upamecano, T. Hernandez; Tchouameni, Rabiot; Dembele, Griezmann, Mbappe; Giroud.
Morocco: Bono; Hakimi, El Yamiq, Aguerd, Mazraoui; Ounahi, Amrabat, Amallah; Ziyech, En-Nesyri, Boufal.
Astaan Sports