2022 FIFA World Cup

Waa maxay kaftanka rumoobay ee dhexmaray Mbappé iyo Asharaf Hakimi?

Labada saaxiib ee kooxda PSG Kylian Mbappe & Ashraf Hakimi ayaa caawa kuwada xafiiltami doona garoonka Al Bayt Stadium ciyaar ka tirsan wareegga afar dhammaadka koobka Adduunka 2022.

Waxay garab istaag saaxibtinimo isku muujiyaan marka ay wajahaan kooxaha ugu fiican Yurub iyagoo xiran maaliyada kooxda PSG, laakiin waxaas oo dhami waxay is-beddeli doonaan marka caawa ay iskaga hor imaadaan garooonka Al Bayt 90 daqiiqo, Kylian Mbappe oo France ah iyo Achraf Hakimi oo Morocco ayaa noqon doona kuwa ku xifaaltama Koobka Adduunka.

Intii lagu guda jiray safar ay PSG horraantii sanadkan ku tagtay dalka Qatar oo ah goobta lagu qabanayo Koobka Adduunka ee 2022, waxay sare u qaadeen rajada ay isaga hor imaanayaan labadaan laacib koobka Adduunka.

Muuqaal yar oo labada ciyaartoy ay kuwada jiraan waxaa iyagoo ku kaftamaya inay ku kulmi doonaan koobka Adduunka Mbappe uu yiri: “Waa inaan burburiyaa saaxiibkay, wadnaheyga wax yar ayay dhaawici doontaa, laakiin taasi waa kubbadda cagta, waa inaan dilo isaga.”

Achraf Hakimi oo muuqaalka kula jiro saaxiibkiis ayaa ku jawaabay isagoo dhoola cadeynaya: “Maya adiga ayaan ku jebin doonaa.”

Taageerayaasha kubadda cagta ayaa ku farxay in labada ciyaartoy ee ka mid ah kuwa ugu xawaaraha badan kubadda cagta ay is-wajahaan weeraryahanka xulka France ee Mbappe waxa uu saacadiiba ku orday 35.6km/h (22.1mph) intii lagu jiray xilli ciyaareedkan UEFA Champions League, halka Hakimi sidoo kale uu ku orday 35km/h.

Ma’aha oo kaliya xawaaraha, sidoo kale Hakimi waxa uu dhammaystiray baasaska ugu badan (celcelis ahaan 91 baas 90-ka daqiiqo kulankiiba, marka la barbar dhigo Mbappe oo isna waxa uu sameeyay 84 baas kulankiiba.

53 baas ayuu 90-daqiiqo kasta ku sameeyay Hakimi, halka Mbappe oo ku sameeyay 90-daqiiqo kasta 32-baas, laakiin Mbappe ayaa dhaliyay goolal badan.

Daafaca xulka Marocco waa mid aad u adag mana jiro cid gool ka dhalisay Morocco tartankan koobka Adduunka goolka kaliya ee laga dhaliyay ayaa ahaa gool ay iska dhaliyeen iyaga.

Laakiin Hakimi kaliya looma xilsaari doono joojinta 23-sano jirka reer France ee Mbappe, waxa uu leeyahay mas’uuliyad weerar ah oo isaga u gaar ah, iyadoo Morocco ay raadineyso inay garaacdo waddanka difaacanaya koobka Adduunka.

“Waxay noqon doontaa dagaal weyn oo u dhexeeya labadooda.” Macalinka Morocco ee Walid Regragui ayaa Talaadadii sidaas u sheegay suxufiyiinta, waxa uu raaciyey: “Labaduba waa ciyaartoy heer caalami ah,”

“Waa inaan diiradda saarno waxa aan sameyn karno si aan goolal uga dhallinno Faransiiska, waa inaan ka hortagnaa halista Kylian, laakiin shaki igama jiro in Hakimi uu ku jiri doono qaab ciyaareed heer sare ah si uu uga faa’iidaysto saaxiibkii”.

Saaxiibtinimadu waa ay caddahay waxay u dabaaldegaan yoolalka qoob ka ciyaarka si isku mid ah, waxay fasax u aadeen Spain si wadajir ah, waxaana la sheegay in xitaa lagu arkay iyagoo wada socda dalka Qatar.

“Waa farxad inaan ka garab ciyaaro Mbappe waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican adduunka, waa saaxiibkey waan jeclahay isaga” ayuu Hakimi ayaa u sheegay Telefoot.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button