2022 FIFA World Cup

Imise jeer ayey kulmeen Morocco iyo France ka hor kulankooda caawa?

Morocco oo noqday xulkii ugu horreeyey ee Afrikaan ah oo iska xaadiriya afar dhammaadka Koobka Adduunka ayaa caawa wajahaya tijaabo adag, waxaana ay garoonka Al Bayt kula ciyaari doonaan xulka difaacanaya Koobka Adduunka ee France kulanka ugu dambeeya ee afar dhammaadka Koobka Adduunka 2022.

France iyo Morocco midkii soo adkaada caawa ayaa kama dambeysta Koobka Adduunka 2022 ku wajihi doona xulka qaranka Argentina oo xalay 3-0 uga soo adkaaday Croatia.

Haddaba waxaan eegeynaa inta goor oo ay labadaan xul horay u wada ciyaareen ka hor kulankooda caawa & xulka adkaaday tirada ugu badan.

Guud ahaan labadaan xul ayaa horay u wada ciyaaray 11 goor waana guulo badan xulka qaranka Faransiiska.

Xulka Morocco ayaa hal goor kaliya guuleystay kulammadaas, waxaana xulka Faransiiska uu adkaaday todobo mar, iyagoo barbaro galay saddex kulan.

Kulankoodii ugu dambeeyey ee labadaan xul dhexmara waxa uu ahaa kulan saaxiibtinnimo oo qabsoomay 16-ka bishii November ee sanadkii 2007, markaasoo France iyo Morocco ay ku kala baxeen barbaro 2-2 ah.

11-ka kulanka iyo taariikhda ay wada ciyaareen labadan dal:-

28 Apr 1963         Morocco 2-1 France || A v B

20 Mar 1966        France 2-2 Morocco || B v A

10 Sep 1967        Morocco 0-2 France || Mediterranean Games

04 Sep 1975        France 1-1Morocco || Mediterranean Games

17 Sep 1987        Morocco 0-0 France || Mediterranean Games

05 Feb 1988        France 2-1 Morocco || Four Nations Tournament

23 Jan 1996         France 1-0 Morocco || Under-21 v A

29 May 1998       Morocco 2-2 France || King Hassan II Cup

20 Jan 1999         France 1-0 Morocco || International Friendly

06 Jun 2000         Morocco 1-5 France || Hassan II Tournament

16 Nov 2007        France 2-2 Morocco || International Friendly

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button