2022 FIFA World Cup

Mojomba oo sheegay dharka uu ku soo labisan doono kulanka caawa ee France iyo Morocco

Nasiib-laawaha ugu weyn kubadda cagta ee Mojomba oo sheegay xulka uu labiskiisa soo xiran doono kulanka caawa France & Morocco ee koobka adduunka.

Maxamed Al-Xajari oo lagu naynaaso Mojomba ayaa shaaca ka qaaday Maaliyadda xulka uu soo xiran doono ee uu doonayo inuu ka reebo koobka adduunka caawa kulanka u dhexeeya xulalka France iyo Morocco.

Al-Xajari oo xulkii uu labiskiisa soo xirtaba uu ka harayo Koobka Adduunka ee 2022 ayaa haatan Tartanka koobka adduunka ka tuuray ilaa sagaal xul oo uu dharkooda ku soo labistay.

Xalay oo ugu dambeysay waxa uu Mojomba soo xirtay dharka Croatia oo la ciyaarayay Argentina afar dhammaadka Koobka Adduunka, waxaana ay la kulmeen guuldarro 3-0 ah, taasoo ka dhigtay in xulka uu hoggaamiyo Lionel Messi ay markoodii lixaad iska xaadiriyeen final-ka Koobka Adduunka.

Xulalka France iyo Morocco ayaa caawa ku ballansan afar dhammaadka Koobka Adduunka, xulkii adkaada ayaana iska xaadirin doona kama dambeysta tartanka, halkaasoo ay kula wajihi doonaan Argentina oo xalay gaartay.

Wareysi la la yeeshay Maxamed Al-Xajari ayaa waxa uu ku yiri: “Wallaahi waan garan la’ahay sababta caan iga dhigtay, maaliyaddii aan xirtaba xulka aan is iraahdo taageerba waa la tumayaa, waana xulkii sagaalaad ee sida aan u malaynaayo inta labiskooda soo xirtay oo laga badiyo, marka waxaan idiin ballan qaadayaa inaan soo xiranayn maaliyadda Morocco, taasi waa ballan aan idinka qaaday.”

Waxaa la weydiiyey maxaa kuu dheer arrimahaan ma sixir ayaad adeegsataa, waxaagu waaba siyaadee?

Waxa uu yiri nasiib xumaha ku caan baxay Koobka Adduunka ee Mojomba: “Waxa dhici doona ilaahay uun baa og, aniga xul kasta oo aan taageero waa igu daadataa oo waa laga badiyaa.”

Ninkaan oo hal mar caan ka noqday Koobka Adduunka, isla markaana dadka caanka ah iyo wariyeyaasha waa weyn ay si qarsoodi ah ula soo xiriirayaan iyagoo leh xul hebel maaliyaddiisa xiro oo annaga dalkeenna ha labisan ayaa sheegay in kulanka ugu adag uu yahay kan caawa u dhexeeya France iyo Morocco.

Waxa uu yiri Al-Xajari oo u dhacay dalka Cummaan: “Kulanka ugu adag waa caawa, horta Morocco ma xiranayo waan idiin ballan qaadayaa waayo anigu waxaan ahay nin carbeed, haddaan la hureynin waxaan soo xiran doonaa caawa France.”

Wixii dhici doona Allaah ayaa ku cilmi leh, balse ilaa iyo haatan inta laga arkay Mojomba xulkii uu taageer is-dhabaha oo uu soo labisto tareenka Tartanka koobka Adduunka waa laga tuurayaa, balse hal mid ayaan kuu sheegi karnaa Mojomba guulna kuma siin karo mana kaa hor’istaagi karo, balse waxa uu sheegay inuu caawa soo xiran doono labiska France taasoo ka dhigay in xulka difaacayana Koobka dunida uu Tartanka isaga hari doono sida uu rumeysan yahay.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button