2022 FIFA World Cup

Croatia vs Morocco.… (Xaqiiqooyinka aad u baahan tahay inaad ogaato ka hor kulanka kaalinta saddexaad ee Koobka Adduunka)

Kulanka kaalinta saddexaad ee Koobka Adduunka 2022 ayaa maanta garoonka Khalifa International ku dhexmari doona xulalka Croatia iyo Morocco, xul waliba ayaana doonaya inuu kaalinta saddexaad ka galo koobka Adduunka ee Qatar oo uu hanto billadda maarta ah.

Xulka Macallin Zlatko Dalic ayaa si raaxo leh waxaa 3-0 ugaga badiyay Argentina afar dhammaadka Koobka Adduunka, halka Atlas Lions ay dagaallameen balse ugu dambeyn waxaa qaadday seegta xulka qaranka France oo 2-0 uga soo adkaaday.

Xulka Morocco ayaa ku faani kara inay maanta ciyaarayaan kulankoodii todobaad ee koobka Adduunka, kaasoo ka dhacaya dalka Qatar, inkastoo uusan ahayn kulanka final-ka tartankan sida uu sheegay Macallin Walid Regragui.

Morocco waxa uu sameeyey sanadkan taariikh, isagoo noqday dalkii ugu horreeyey ee Afrikaan ah oo gaara afar dhammaadka Koobka Adduunka, inkastoo ay guuldarro kala kulmeen Arbacaddii France.

Xulalka Croatia iyo Morocco ayaa madaxa isgelin doona caawa si ay u xaqiijiyaan xulka ku dhammaysan doona kaalinta saddexaad ee Koobka Adduunka.

Morocco ayaa markale la ciyaaraya xulka final-ka ka gaaray koobkii Adduunka ee 2018.

Labada xul ayaa barbaro goolal la’aan ah ku kala baxay kulankii ku tirsanaa guruubka F ee dhexmaray 23-ka bishii November ee sanadkan, kaasoo ka dhacay garoonka Al Bayt.

Kulankan ayaa noqon karta kii ugu dambeeyay ee uu kabtanka xulka Croatia ee Luka Modric la qaato qarankiisa, waxaana Macallin Regragui uu ammaanay 37-sano jirka khadka dhexe uga ciyaara Real Madrid.

Si kastaba ha ahaatee, tababaraha xulka Croatia ee Zlatko Dalic ayaa aaminsan in Modric uu sii wadi doono u ciyaaridda xulka qaranka waqti ku filan, islamarkaana oo uu kaga soo muuqan doono ciyaaraha qarammada Yurub ee 2024.

Wararka labada xul:

Tababare Regragui ayaa xaqiijiyay in kabtan Romain Saiss uusan taam u noqon doonin kulankan, isagoo halis galiyay kabtankiisa “60-70%” kulankii afar dhammaadka, go’aankaas oo ahaa mid qaldan, maadaama uu garoonka ka baxay kaliya 20 daqiiqo kaddib.

“Waxaan qaadnay halis, laakiin waxay ahayd khatar mudan inaan qaadno,” ayuu yiri Macallin Regragui.

“Waxaan rabnay inaan dagaal u baxno isagoo hoggaaminaya guutada, waxaan haysanaa labo ciyaaryahan oo kale oo dhaawac ah, laakiin waan arki doonaa sida ay wax u dhacaan.”

Xulka Croatia ayaa laga yaabaa inuu heli waayo kulankan ciyaaryahanka khadka dhexe ee Marcelo Brozovic, kaasoo laga saaray garoonka kulankii afar dhammaadka ee ay wajaheen Argentina.

Daafaca dhexe ee Josko Gvardiol, kaasoo wacdaro dhigay intii uu socday tartanka Koobka Adduunka 2022 ayaa ka dhaawacan cagta, laakiin waxa laga yaabaa inuu weli ciyaaro kulankan.

Xaqiiqooyinka kulanka:

Midkoodna 19-kii ciyaar ee kaalimaha saddexaad ee koobka Adduunka lama gaarin rigooreyaal, hal kulan ayaa la ciyaaray waqtiga dheeriga ah (extra time) waana kulankii dhexmaray France & Belgium sanadkii 1986-kii.

Waddan Yurub ah ayaa ku dhammaysanayey kalainta saddexaad ee Koobka Adduunka 10 mar ee la soo dhaafay tan iyo markii uu xulka Brazil garaacay Italy sanadkii 1978.

Croatia ayaa laga dhaliyay goolasha ugu badan kulankii semi-finalka Koobka Adduunka, waxaana 3-0 ku garaacday xulka Argentina, marka la isku daro shantii kulan hore ee koobka Adduunka 2022, waxa ay sidoo kale Croatia la kulmeen darbooyinka ugu badan kana badan xul kasta tartankan waana 75 darbo.

Morocco ayaa laga dhaliyay guuldarradii 2-0 ee semi-finalka ka soo gaartay France goolal ka badan marka la isku daro shantii kulan ee hore ee koobka adduunka oo laga dhaliyey kaliya hal gool, waxayna wali noqon karaan xulkii siddeedaad ee shabaqeeda ilaashata ilaa shan kulan hal tartan hal tartan oo koobka Adduunka, kaddib Netherlands (1974), Italy (1990), Brazil (1994), France (1998), Germany (2002), Italy (2006) iyo Spain (2010).

Modric ayaa ciyaaray dhammaan lixdii kulan ee xulka Croatia uu dheelay koobka adduunka, kaliya goolhaye Peter Shilton (1990) iyo Dino Zoff (1982) ayaa ciyaaray kulamo badan koobka adduunka iyaga oo 37 jir ah ama ka weyn labaduba waxa ay ciyaareen min todoba.

Ivan Perisic ayaa lix gool u dhaliyay koobka aduunka xulka qaranka Croatia, hal gool oo kale oo uu dhaliyo ayaa ka dhigi doona gooldhaliyahooda ugu sarreeya tartanka, isagoo dhaafi doona Davor Suker.

Ogeysiiska ciyaarta:-

Tartanka: Koobka Adduunka 2022 – kulanka kaalinta saddeexaad.

Xulalka: Croatia & Morocco.

Garoonka: Khalifa International Stadium.

Garsooraha: Abdulrahman Al-Jassim (Qatar).

Taariikhda: 17 December 2022.

Saacadda: 06:00 Maqribnimo xilliga geeska Afrika.

Safafka suurogalka ah oo ay ku soo geli karaan maanta labada xul:-

Croatia: Livakovic; Stanisic, Lovren, Gvardiol, Sosa; Modric, Jakic, Kovacic; Vlasic, Kramaric, Perisic.

Morocco: Bono; Hakimi, El-Yamiq, Dari, Attiyat-Allah; Ounahi, Amrabat, Amallah; Ziyech, En-Nesyri, Boufal.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button