2022 FIFA World Cup

Imise jeer ayey kulmeen Croatia iyo Morocco ka hor kulankooda kaalinta saddexaad ee Koobka Adduunka?

Kulanka kaalinta saddexaad ee Koobka Adduunka 2022 ayaa maanta garoonka Khalifa International ku dhexmari doona xulalka Croatia iyo Morocco, xul waliba ayaana doonaya inuu kaalinta saddexaad ka galo koobka Adduunka ee Qatar.

Haddaba waxaan eegeynaa inta goor oo ay labadaan xul horay u wada ciyaareen ka hor kulankooda maanta & xulka adkaaday tirada ugu badan.

Guud ahaan labadaan xul ee Croatia iyo Morocco ayaa horay u wada ciyaaray kaliya 2 goor ka hor kulankooda maanta kaalinta saddexaad ee Koobka Adduunka.

Xul guuleystay oo natiijo caadi ah ku adkaaday kulammadaas labada ah ma jiro, marka laga reebo Croatia oo hal mar gool ku laadyo ku adkaatay.

Kulanka maanta waxa uu noqon doonaa kulankoodii saddexaad ee taariikhdooda ay wada ciyaaraan labadaan xul.

Wax yar hal bil ayay markoodii labaad wada ciyaarayaan kulan ku tirsan koobka Adduunka ee Qatar 2022 kaddib markii kulankoodii ugu dambeeyey uu yimid ciyaartii furitaanka guruubka F ee koobka adduunka, kaasoo ay ku kala baxeen barbaro goolal la’aan ah.

Ka hor inta aysan labadaan xul ku wada ciyaareen garoonka Al Bayt heerka guruubyada Koobka Adduunka, kalanka kale waxa uu ahaa mid dhexmaray 1996-kii kaasoo ahaa the Hassan II Trophy kana dhacay Casablanca.

Kaddib kulankaas oo ahaa Semi-final waxa uu ku dhammaaday barbaro 2-2 ah, balse xulka qaranka Croatia ayaa ku adkaaday gool ku laadyo ama rigooreyaal 7-6 ah.

Dhinaca waliba labadaan xul isku mid ayay ka yihiin ka hor kulankooda maanta ay ku tartamayaan kaalinta saddexaad ee Koobka Adduunka 2022.

Labadoodii kulan ee hore iyo taariikhda ay wada ciyaareen labadan dal:-

11-ka bishii December sanadkii 1996: Morocco 2-2 Croatia (Croatia ayaa ku adkaatay 7-6 gool ku laadyo ah) tartanka (Hassan II Trophy).

23-ka bishii November sanadkan 2022: Morocco 0-0 Croatia (World Cup).

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button