2022 FIFA World Cup

Argentina vs France.… (Xaqiiqooyinka aad u baahan tahay inaad ogaato ka hor kulanka Final-ka ee Koobka Adduunka)

Kulama kama dambaysta ah ee Koobka Adduunka 2022 ayaa maanta lagu ciyaari doonaa garoonka Lusail, halkaasoo ay ku wada ciyaari doonaan xulka qaranka Argentina iyo xulka difaacanaya Koobka Adduunka ee France.

Les Bleus ayaa waddo dheer u soo martay inay difaacato koobka Adduunka oo ay ku soo guuleysatay sanadkii 2018, waxaana kulankii ugu dambeeyey ee afar dhammaadka koobka Adduunka Qatar ay 2-0 ku soo dhufteen dhiggooda Morocco.

Dhinaca kale wiilasha Lionel Scaloni ayaa afar dhammaadkii koobka adduunka ka soo tallaabsaday xulka qaranka Croatia oo ay uga soo adkaadeen 3-0, waxaana ay isku diyaarinayaa inay koobka gacanta ku dhigaan maanta.

Messi oo 35-sano jir ah ayaa rikoorro badan soo jabiyey, isagoo tiro todobo jeer ah ku guuleystay abaal-marinta xiddiga ugu fiican adduunka ee Ballon d’Or , laakiin weligiis kuma guuleysan Koobka Adduunka oo uu maanta doonayo inuu markiisii ugu horreysay gacanta ku dhigo.

Macallinka xulka qaranka France ee Didier Deschamps ayaa kabtan u ahaa dalkiisa oo ku guuleystay koobkii Adduunka ee 1998-dii, kaddibna isagoo tababare ah ayuu markale afar sano ka hor koobkii adduunka ee Ruushka lagu qabtay la qaaday qarankiisa.

Labada xul ee France iyo Argentina ayaa mid waliba doonayaa inuu markiisii saddexaad ku guuleysto koobka Adduunka, France ayaa hantay koobka Dunida labo goor oo kala ahaa 1998-dii iyo 2018-kii, halka Argentina ay qaadday 1978-dii iyo 1986-dii.

Final-ka koobka Adduunka waxaa maanta isku wajahaya labada ciyaaryahan ee hoggaaminaya gooldhalinta koobka Adduunka, waxaana la ogaan doonaa ciyaaryahanka ku guuleysan doona kabta dahabka ah ee koobka adduunka, labada ciyaaryahan ee Messi iyo Mbappe ayaa tartanka Qatar ka dhaliyey min shan gool, halka Weeraryahanka France ee Olivier Giroud iyo kan Argentina ee Julian Alvarez ay hal gool ka dambeeyaan Messi iyo Mbappe kaddib markii ay afar gool ka dhaliyeen koobka Adduunka.

Wararka labada xul:

Angel Di Maria oo ka soo muuqday kursiga keydka kulankii Argentina ay garaacday Netherlands ee siddeed dhammaadka koobka Adduunka ayaa dib ugu soo laaban kara safka hore kulanka maanta ee Final-ka.

Lionel Scaloni ayaa ku soo wbilaabay Julian Alvarez iyo Lionel Messi kulankii ay ciyaareen 4-4-2 ee ay ku garaaceen xulka Croatia, laakiin waxa laga yaabaa inay ku soo laabtaan kulanka maanta shaxda 4-3-3 iyadoo Di Maria uu ku soo laabanayo safka.

Daafacyada Gonzalo Montiel iyo Marcos Acuna oo ka tirsan Argentina ayaa soo dhammaystay ganaaxyadii ay ku maqnaayeen, waxaana Acuna uu beddeli karaa kulankan Nicolas Tagliafico, iyadoo Nahuel Molina ay u badan tahay inuu ilaashado booskiisa inkastoo uu soo laabtay Montiel.

Adrien Rabiot oo hargab ku seegay kulankii xulkiisa France uu guusha ka gaaray Morocco ayaa la filayaa inuu ku soo laaban doono maanta kulankan final-ka koobka Adduunka.

Dayot Upamecano ayaa kursiga kaydka ku jiray, laakiin sidoo kale waa inuu ku soo laabto safka hore oo uu ka garab ciyaaro Raphael Varane sidii uu sameeyay kulankii ay wajaheen England.

Xaqiiqooyinka kulanka:

Labadan dal saddex jeer oo hore ayay ku kulmeen koobka Adduunka, xulka Argentina aya aguuleystay labo ka mid ah oo ahaa heerka guruubyada sanadihii 1930-kii iyo 1978-dii, laakiin xulka France ayaa kaliya adkaaday hal kulan oo ahaa bugbaxa koobka Adduunka, waxaana ay ku badiyeen 4-3 wareeggii 16-ka tartankan ee 2018, kaasoo ahaa kulankoodii ugu dambeeyey oo ay ladan waddan wada ciyaaraan koobka Adduunka.

Argentina ayaa maanta ciyaaraysa final-keedii lixaad ee Koobka Adduunka, kaliya Germany oo ciyaaray siddeed jeer final-ka koobka Adduunka ayaa ka badan, waxaana Argentina ay ku guuleystay koobka 1978-dii iyo 1986-dii, waxaana ay guuldarreysteen oo laga qaaday sanadihii 1930-kii, 1990-kii iyo 2014-kii.

Argentina waxa ay noqon karaan xulkii labaad ee taariikhda koobka adduunka iyagoo guuldarraystay kulankoodii furitaanka haddana koobka qaada, waxaana ay barbareyn karaan xulka Spain oo sidaas sameeyey sanadkii 2010-kii.

Messi ayaa noqon kara ciyaaryahankii saddexaad ee Argentina oo ku guuleystay kabta dahabka ah ee gooldhalinta Koobka Adduunka, kaddib Guillermo Stabile oo qaaday sanadkii 1930-kii iyo Mario Kempes oo hantay sanadkii 1978-dii.

Xulka France ayaa gaaray Final-ka Koobka Adduunka markoodii afaraad dhammaan tan iyo laga soo billaabo 1998-dii, tani waxa ay labo jibaar ka badan tahay waddammada kale intii lagu guda jiray mudadaas.

France waxa uu indhaha ku hayaa inuu noqdo waddankii saddexaad ee ku guulaysta koobka adduunka oo xiriir ah, kaddib Italy oo hantay (1934-38) iyo Brazil qaaday (1958-62).

Ogeysiiska ciyaarta:-

Tartanka: Koobka Adduunka 2022 – kulanka Final-ka.

Xulalka: Argentina & France.

Garoonka: Lusail Stadium.

Garsooraha: Szymon Marciniak (Poland).

Taariikhda: 18 December 2022.

Saacadda: 06:00 Maqribnimo xilliga geeska Afrika.

Safafka suurogalka ah oo ay ku soo geli karaan maanta labada xul:-

Argentina: E. Martinez; Molina, Romero, Otamendi, Acuna; De Paul, Fernandez, Mac Allister; Di Maria, Messi, Alvarez.

France: Lloris; Kounde, Varane, Upamecano, T. Hernandez; Tchouameni, Rabiot; Dembele, Griezmann, Mbappe; Giroud.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button