2022 FIFA World Cup

Abaal-marinnadii xalay la bixiyey ee Koobka Adduunka 2022

Abaal-marinno dhowr ah ayaa xalay la bixiyey kaddib markii la soo gabagabeeyey Koobka Adduunka ee lagu qabtay dalka Qatar.

Xulalka Argentina iyo France ayaa wada ciyaaray Final-ka koobka Adduunka, waxaana gool ku laadyo koobka ku qaaday Argentina, kaddib markii barbaro 3-3 ah ay galeen labada dal.

Argentina ayaa ku guuleystay markiisii saddexaad Koobka Adduunka, halka Messi uu hantay Koobka Adduunka markiisii ugu horreysay.

Haddaba waxaan halkaan hoose ku eegeynaa abaal-marinnadii xalay la bixiyey ee Koobka Adduunka 2022:-

– Xiddiga xulka qaranka Argentina ee Lionel Messi ayaa ku guulaystay abaal-marinta xiddiga ugu fiican koobka adduunka.

Kaddib markii ay soo dhammatay ciyaartii final-ka ee uu xulkiisa Argentina ugu gacan geliyey Koobka Adduunka xalay waxaa Messi la guddoonsiiyey abaal-marinta xididgii ugu fiicnaa tartanka koobka Adduunka.

Messi oo koobka Adduunka 2022 ka dhaliyey Todobo gool ayaa sidoo kale caawiye ka ahaa saddex gool oo kale, waxaana uu abaal-marinta ku garaacay xiddiga ay ka wada tirsan yihiin kooxda PSG ee Mbappe.

Lionel Messi ayaa sidoo kale xalay ku guuleystay abaal-marinta xiddigii ugu fiicnaa garoonka ee Man of the Match kulankii Final-ka Koobka Adduunka 2022.

– Xiddiga Kooxda PSG ee Kylian Mbappe ayaa ku guulaystay gool dhalinta koobka adduunka Qatar 2022 kaddib markii uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Mbappe ayaa dhaliyay 8 gool tan ilaa bilowgii koobka adduunka ee xalay lagu soo gaba-gabeeyay dalka Qatar.

Lionel Messi ayaa doonayay in uu ku guulaysto gooldhalinta koobka adduunka ee kabta dahabka ah si uu u noqdo xiddigii ugu horreeyay ee ku guulaysta abaal-marinta labo koob adduun kaddib markii uu ku soo guulaystay 2014.

Yeelkeede, Kylian Mbappe ayaa arrintaas ka hor istaagay, waxaana uu diiday inuu Messi noqdo xiddiga kaliya ee taariikhda labo koob adduun ku guuleysta koobka Adduunka, isagoo xiddiga ay ka ka wada tirsan yihiin kooxda PSG hal gool kaga qaaday gooldhalinta Koobka Adduunka 2022.

Kylian Mbappe ayaa sidoo kale xalay noqday xiddigii ugu horreeyay ee saddexleey ka dhaliya final-ka Koobka Adduunka tan iyo 1966-kii markaasoo laacibkii Ingiriiska ee Geoff Hurts uu saddexleey dhaliyay.

– Goolhayihii ugu fiicnaa tartanka Koobka Adduunka waxaa ku guuleystay goolhayaha Argentina ee Emi Martinez oo xulkiisa Argentina ku hoggaamiyay guushii xalay kaddib markii uu rigoore ka badbaadiyay Coman, halka uu sidoo kale gool ku laadyo ku reebay xulka Netherlands.

– Da’yarkii ugu fiicnaa Koobka Adduunka 2022 waxaa ku guuleystay xiddiga xulka qaranka Argentina iyo Kooxda Benfica ee Enzo Fernandez.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button