2022 FIFA World Cup

Maxay tahay abaal-marinta koobka adduunka ee uu ku guuleystay xulka qaranka England?

Ugu yaraan hal abaal-marin ayuu xulka qaranka England kala soo laabtay dalka Qatar ee xalay lagu soo gabagabeeyey Koobka Adduunka 2022.

Inkastoo ay ku fashilmeen inay ku soo guuleystaan koobka Adduunka hadda waxa ay hal abaal-marin ka soo qaateen dalka Qatar.

Xulka qaranka Saddexda Libaax ayaa la siiyey abaal-marinta ciyaar-wanaagga ee Fair Play Trophy, maadaama ay ahaayeen xulka ugu aadaabta fiinaa intii uu socday tartanka xalay lagu soo gabagabeeyey dalka Qatar oo uu ku guuleystay xulka qaranka Argentina.

Tababare Gareth Southgate ayaa xulkiisa kaliya la guddoonsiiyey hal kaar oo digniin ah intii ay ciyaarayeen Koobka Adduunka, inkastoo ay ku soo hareen afar dhammaadka Koobka Adduunka, waxaana soo reebay xulka qaranka France.

Halka kaas ee digniinta oo uu qaatay xulka qaranka England waxaa la guddoonsiiyey daafaca Manchester United ee Harry Maguire markii uu xusul ku dhuftay Antoine Griezmann daqiiqadii 90-aad ee ciyaarta.

Sidaas awgeed xulka qaranka England ayaa la siiyey abaal-marinta xulkii ugu aadaabta wanaagsanaa Koobka Adduunka 2022, maadaama ay hal kaar oo jaalle ah qaateen iyagoo soo gaaray siddeed dhammaadka Koobka Adduunka.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button