2022 FIFA World CupArsenalBarcelona

Miyuu Gabriel Martinelli diyaar u yahay inuu u dhaqaaqo kooxda Barcelona?

Sida wararku ay sheegayaan Gabriel Martinelli ayaa diyaar u ah inuu mustaqbalkiisa u hibeeyo kooxdiisa Arsenal, halkii uu aadi lahaa dhankaa iyo Barcelona.

Martinelli ayaa doonaya inuu qandaraas cusub oo ku eg sanadka 2027-ka u saxiixo kooxdiisa Gunners, inkastoo uu xiiso ka ehaly kooxda reer Spain ee Barca.

Da’yarka reer Brazil ayaa wacdaro dhigay xilli ciyaareedkan, waxaana uu muhiim u ahaa kooxda hoggaaminaysa horyaalka Premier League fasal ciyaareedkan.

Kaddib qaab ciyaareedka la jecleysan karo oo uu soo bandhigay ciyaaryahankan ayaa sababay inuu xiiso ka helo kooxda Barcelona doonaysa saxiixa laacibkan.

Yeelkeede, xiddigan reer Brazil ee Gabriel Martinelli ayaa diyaar u ah inuu qandaraas cusub qalinka ugu duugo kooxdiisa Arsenal.

Wargeyska SPORT ee ka soo baxa Spain ayaa warinaya in Gabriel Martinelli uu la dhacsan yahay mashruuca kooxda Arsenal, isla markaana uu diyaar u yahay inuu tan iyo sanadka 2027-ka sii joogo garoonka Emirates.

Kooxda Barcelona ayaa xiriir fiican la leh xiddigaha reer Brazil, balse waxa ay u muuqataa inay ku fashalintay haatan inay Martinelli ku qanciso inay u soo dhaqaajiso garoonka Camp Nou.

Martinelli ayaa kooxda Arsenal u dhaliyey 23 gool 104 kulan oo uu u saftay tan iyo markii uu ku soo biiray sanadkii 2019.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button