2022 FIFA World Cup

Robert Lewandowski oo la weydiiyey haddii Lionel Messi uu ku guuleysan karo markii siddeedaad Ballon d’Or

Robert Lewandowski ayaa qirtay in weeraryahan kasta uu jeclaan lahaa inuu ka garab ciyaaro Lionel Messi, maadaama ku soo laabashada Barcelona ay weli tahay ikhtiyaarka suurtogalka ah oo uu qaadi karo xiddiga reer Argentine.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Messi uu qarka u saaran yahay inuu saxiixo heshiis cusub oo uu ku sii joogayo Kooxda PSG, laakiin ku soo laabashadiisa garoonka Nou Camp ayaa noqon karta sheeko uu ku soo dhammaynayo xirfaddiisa ciyaareed halkii uu ka soo bilaabay.

Lewandowski ayaa haatan hoggaaminaya weerarka Kooxda Barcelona, waxaana uu kooxda reer Spain ku soo dhaweyn lahaa ku guuleystaha koobka adduunka 2022.

“Aniga iguma xirna” ayuu yiri isagoo dhoolla-cadeynaya mar la weydiiyay haddii uu jeclaan lahaa inuu la ciyaaro Messi oo ay isku koox noqdaan ka hor inta uusan ciyaaryahanka kooxda PSG ciyaaraha ka fariisan.

“Laakiin marka loo eego waqtiyada kale, hadda waa ciyaaryahanka kubbadda cagta ee weeraryahan kasta uu ku riyoon lahaa inuu ka garab ciyaaro.

Lewandowski ayaa sidoo kale la weydiiyey haddii uu u malaynayo in Leo Messi uu ku guuleysan karo markiisii siddeedaad abaal-marinta Ballon d’Or.

“Haa dabcan” ayuu ku jawaabay, waxaana uu intaa ku daray: “Waxaa laga yaabaa inuu jiro hal ciyaaryahan oo kale oo ay isku koox yihiin, laakiin waxaa jira hal koob oo Adduunka ah oo go’aamin doona cidda ku guuleysan doonta xilli ciyaareedkan, Leo ayaana hadda ku guuleystay koobka adduunka oo booskaas ku jira, taasoo macnaheedu yahay inuu wax waliba ku guuleystay.”

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button