2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupTartanka Degmooyinka 2023UncategorizedWARARKA MAANTA

Tartanka Degmooyinka & Deegaannada Gobolka Banaadir oo maanta furmayo.

Waxaa galabta furmi doona tartanka kubbadda cagta degmooyinka & deegaannadda gobolka banaadir oo ka qaybgalayaaan 18-degmo iyo 3 deegaan waana sanadkii ugu badnaa oo 21 kooxood ay ka qaybgalaan tartanka degmooyinka & deegaannada gobalka banaadir,

 Degmada dharkenley oo difaacaneyso tartanka degmooyinka & deegaannada gobalka banaadir ayaa nasiib u yeelatay in ciyaarta furitaanka ay la ciyaarto degmada Balcad oo ka socoto shabeelada dhexe oo  markii labaad ka qaybgaleyso tartanka kubbadda cagta Degmooyinka & deegaannada gobalka banaadir.

Labada degmo oo kuwada jiro guruubka A ayaa horey u wada ciyaaray sanadkii 2020-kii tartanka degmooyinka & deegaannada gobalka banaadir ciyaar ka tirsanayd guruubka B waxayna ahayd ciyaartii ugu dambeysay heerka guruubka B, iyadoo 3-2 ku adkaatay degmada dharkenley oo kaalinta labaad ku soo baxday halka kaalinta koowaad ay ku soo baxday degmada Cabdicasiis ciyaaraha guruubka B sanadkii 2020-ka.

Dharkenley oo difacaneyso tartanka degmooyinka & deegaannada gobalka banaadir ayaa sanadkii 2020-kii ku hartay wareegga afar dhammaadka tartanka waxaana reebtay degmada Shingaani oo ku garaacday 1-0

Sanadkii xigay ee la qabtay tartanka degmooyinka 2021-kii degmada dharkenley ayaa ku guuleysatay tartanka iyadoo hal guuldarro oo ciyaaraha guruubka D kala kulantay degmada Wadajir halka guruubka ay ku garaaceen degmooyinka kala ah Waaberi, Howl-wadaag iyo Shibis, halka ay guuldarro kala kulmeyn degmada Wadajir ciyaar ku dhammaatay 2-1

Dharkenley ayaa wareegga 8-da ku reebtay degmada Deyniile ciyaar ku dhammaatay 2-0 halka wareegga afar dhammaadka ay ku garaaceen degmada Shingaani ciyaar ku dhammaatay 1-0 si la mid ah natiijadii looga adkaatay dharkenley sanadkii 2020-kii.

Degmada dharkenley ayaa la ciyaartay degmada Warta-nabadda fiinaalka tartanka degmooyinka & deegaannada gobalka banaadir sanadkii 2021-kii ciyaar ku dhammaatay waqtigii loogu talagalay 0-0 hase yeeshee waxaa Gool-kulaadyo 6-5 ku adkaatay degmada Dharkenley oo ku guuleysatay tartanka degmooyinka & deegaannada gobalka Banaadir.

Dhanka kale degmada Balcad ayaa ka maqneed tartankii u dambeeyay sanadkii 2021-kii hase yeeshee markii labaad ayey galabta la ciyaari doonaan dharkenley oo difaacaneyso tartanka degmooyinka & deegaannada gobalka banaadir.

Degmada Balcad oo ku hartay guruubka B tartankii degmooyinka sanadkii ugu horreyay ee ka qaybgalaan 2020-kii waxayna labo guularo kala kulmeyn degmooyinka Cabdicasiis iyo Dharkeynley, waxay barbaro la galeen Boondheere halka ay garaaceen degmada Deyniile.

BALCAD

Degmada Balcad waxay soo martay magacyo kala duwan Taytayley, Ceryaamoley, markii danbo waxaa loo baxiyey Degmada balcad, degmada Balcad waxa uu dhaqaalaheedu ku tiirsan yahay dhaqashada xoolaha iyo tacbashada Beeraha.

Waxa ay degmada Balcad ka kooban tahay afar xaafadood oo kala ah Waaberi Irsoole, Xaawataako, Horseed iyo Halgan.

Degmada Balcad waxa ay leedahay goobo dalxiis, waxaana dadka booqda ay inta badan u dalxiis tagaan Beeraha iyo meesha ugu caansan dalxiisayaasha tagaan oo ah Biyo Xireenka.

Warshada dharka Somali Tax ayey lahayd berisamaadkii, waa warshada kaliya ee ka badbaaday burburkii ka dhacay dalkeenna.

Maanta waxa ay nasiib u yeesheen inay daah furaan tartanka degmooyinka iyo deegannada gobolka Banaadir.

DHARKENLEY

Degmada Dharkenley waxa ay dhacdaan dhanka koonfureed ee Muqdisho, waxa ay ka mid tahay 17 degmo oo uu ka kooban yahay gobolka Banaadir.

Waxa ay degmada Dharkenley ku guuleysatay afar goor tartanka degmooyinka, waana degmada ugu badan ee koobkan haysata, iyada ayaana difaacanaysa sanadkan tartanka.

Sanadkii 2020-kii, degmada Dharkeynley wax ay guul ka gaartay Deyniile, Balcad iyo Boondheere halka ay guuldarro kala kulantay Cabdicasiis, 9 dhibcood ayay kaalinta labaad kaga soo baxeen Guruubka B, waxa ay dhaliyeen shan gool, saddex gool ayaana laga dhaliyey.

Macallinkii Balcad ka adkaaday sanadkii 2020-kii ee Macallin Cabaas oo hoggaaminayay C/casiis oo final-ka tagay markaas ayaa maanta markale ka hor imaanaya Degmada Balcad isagoo markaan horkacaya degmada Dharkenley.

Sanadkii 2021-kii oo ay ku guuleystay Dharkeynley koobka degmooyinka waxaa soo gaartay hal guuldarro oo kaliya, waxayna kala kulmeen degmada Wadajir, waxaana ay sagaal dhibcood kaga soo baxeen Dharkenley kaalinta labaad ee Guruubka B, waxaana ku soo baxay kaalinta koowaad degmada Shibis.

Ugu dambeyn waxa ay degmada Dharkenley koobka degmooyinka ka qaadeen sanadkii 2021-kii, degmada Warta Nabadda oo ay uga adkaadeen 6-5 gool ku laadyo ah kaddib markii ay isku mari waayeen goolal la’aan 0-0.

Related Articles

Check Also
Close
Back to top button