2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupTartanka Dagmooyinka 2020Tartanka Degmooyinka 2023Uncategorized

Dhacdooyinkii laga diiwaangaliyay kulankii Deyniile  V Xamar Jajab Guruubka B

Kulankan oo ka tirsanaa Guruubka B waxa uu ahaa kulankii koowaad ee wada ciyaaraan labada degmo Deyniile iyo Xamar Jajab, waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa dhacdooyinkii laga diiwaangaliyay kulan cayaareedkan.

>-Isaaq Xasan Xuseen ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horreeyey ee saddexleey dhaliya tartanka, halka Deyniile ay noqotay degmadii ugu horreysay ee tartankan qeybta hore saddex gool dhalisa.

>-Gool-kulaadkii ugu horreeyay tartanka degmooyinka & deegaannada gobolka Banaadir ayaa loo dhigay degmada Deyniile waxaana gool u beddelay Isaaq Xasan Xuseen.

>-Degmada Deyniile ayaa bandhig wanaagsan ku furatay tartanka degmooyinka, waqtigooda ugu fiicnaa wuxuu ahaa sanadkii 2021-ka xilligaasi waxay ku hareen wareegga sideed dhammaadka tartanka kaddib guuldarro ka soo gaarta Dharkenley.

>-Degmada Xamar Jajab ayaa markii labaad guuldarro ku furatay kulanka furitaanka tartanka degmooyinka 2021 iyo 2023, hase yeeshee Xamar jajab ayaa ka soo baxday heerka guruubka sannadkii 2021-ka.

>- Degmada Xamar Jajab ayaa ku hartay warreegga sideed dhammaadka sanadkii 2021-ka waqtigooda ugu fiicanaa wuxuu ahaa sanadihii 2019-kii iyo 2020-kii waxey soo gaareen afar dhammaadka tartanka degmooyinka & deegaannada gobolka Banaadir.

>-ciyaartan waxaa lagu ciyaaray garoonka Stdium Muqdisho

>-Garsooraha kulankan wuxuu ahaa Cabdullaahi Xaaji

WQ/Daacad

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also
Close
Back to top button