2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupTartanka Degmooyinka 2023

Wax ka ogow dhacdooyinkii laga diiwaangaliyay kulankii Waaberi V Heliwaa Guruubka C

Kulankan oo ka tirsanaa Guruubka C waxa uu ahaa kulankii koowaad ee wada ciyaaraan labada degmo Waaberi iyo Heliwaa, waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa dhacdooyinkii laga diiwaangaliyay kulan cayaareedkan.

>-Waaberi ayaa barbaro 1-1 ku furatay tartanka degmooyinka & deegaannada gobolka Banaadir xilli sanadkii 2021-kii laga adkaaday dhammaan saddexda kulan ee heerka guruubka,

>-Xasan Maxamed Cali oo ka tirsan Degmada Waaberi  ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee qaata kaarka casaanka tartanka degmooyinka & deegaannada gobolka Banaadir 2023.  

>-Degmada Heliwaa ayaa barbaro ku furatay tartanka degmooyinka & deegaannada gobolka Banaadir xilli sanadkii 2021 dhammaan laga adkaaday saddexda kulan ee ciyaartay heerka guruubka.

>-Degmada Heliwaa ayaa si wanaagsan ku furatay sanadkan tartanka degmooyinka, marka lala barbar dhigo sanadkii 2021-ka kaliya hal gool ayey dhaliyeen saddex ciyaar oo ka tirsanaa ciyaaraha guruubka sanadkii 2021-ka.

>-Macalin Bashiir Aadan Maxamed ayaa ka soo muuqday degmada Heliwaa kaasoo hoggaaminayay sanadkii 2016-kii xilligaasi oo Xamar wayne ku reebtay wareegga afar dhammaadka tartanka degmooyinka & deegaannada gobolka Banaadir.

>-Dhammaan xiddigihii ku soo bilowday kulankii koowaad ee degmada Heliwaa ayaa ahaa wajiyo ku cusub degmada Heliwaa iyo tartanka degmooyinka iyo deegaannada gobolka Banaadir.

>-ciyaartan waxaa lagu ciyaaray garoonka Stadium Muqdisho

>-Garsooraha kulankan waxa uu ahaa Nuuradiin Ibraahim Cali

WQ/Daacad

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button