SAWIRRO: Yaaqshiid oo guul weyn ku furutay T/Degmooyinka & Deegaannada Gobolka Banaadir.

Kulankan oo ka tirsanaa Guruubka B tartanka degmooyinka & deegaannada gobolka Banaadir ayaa lagu ciyaaray garoonka kubbadda cagta Eng-yariisow.
Kulankii koowaad ayaa dhexmaray Yaaqshiid & Garasbaaley cayaarta oo ahayd mid aad u xiiso badan waxaa garoonka Eng-yariisow soo camray taageerayaal kala taageerayay labada dhinac.
Daqiiqadii 25-aad qaybtii koowaad waxaa hoggaanka cayaarta u dhiibay degmadiisa Yaaqshiid kabtanka lambarka 9-aad Cabdifitaax Cali Diini, waxaana lagu kala nastay 1-0 oo hoggaanka ku haysay degmada Yaaqshiid.
Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee cayaarta waxaa hoggaanka cayaarta si dheereysatay degmada Yaaqshiid kaddib markii uu shabaqa gaaray cayaaryahanka lambarka 40-aad Sakariye Xasan Warsame daqiiqadii 53-aad kaas ciyaarta ka dhigay 2-0.
Deegaanka Garasbaaley ayaa loo dhigay Gool-kulaad waxaana fursadaasi ka qasaariyay lambarka 9-aad Cabduqaadir Aweys daqiiqadii 65-aad, hase yeeshee labo daqiiqo kaddib waxaa mar kale shabaqa gaaray Cabdiftaax Cali Diini oo dhaliyay goolkiisa labaad ee degmada Yaaqashiid daqiiqadi 67-aad, natiijada cayaarta ayaana ku soo dhammaatay 3-0 oo ku adkaatay degmada Yaaqshiid
Garsooraha kulankan wuxuu ahaa Xasan Xuseen wuxuuna bixiyay labo kaar oo ah kaarka digniinta waxaana la kala siiyay labada dhinac.
Degaanka Garasbaaley waxaa la siiyay lambarka 8-aad Cabdiraxmaan Cali Liibaan daqiiqadii 15-aad, halka Yaaqshiid loo taagay lambarka 34-aad Saadaam jaamac axmed daqiiqadi 75-aad.
Dhanka kale ciyaartii labaad ee u dhexeesay degmooyinka Shibis & Kaaraan kana tirsanayd Gruubka B ayaa ku soo dhammaatay 1-0 oo ku adkaatay degmda Shibis.
Guruubka B waxaa hoggaanka u hayso degmada Yaaqshiid waxayna farqiga goolasha kaga haysaa degmada Shibis.









