2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupTartanka Degmooyinka 2023

SAWIRRO: Shibis oo gaartay guushii labaad T/Degmooyinka & Deegaannada Gobolka Banaadir.

Kulankan oo ka tirsanaa Guruubka B tartanka degmooyinka & deegaannada gobolka Banaadir ayaa lagu ciyaaray garoonka kubbadda cagta Eng-yariisow.

cayaartan oo u dhexeysay degmada Shibis iyo deegaanka Garasbaaley, ayaa ku bilaawatay weerar iyo weerar celis, cayaaryahanka lambarka 10-aad ee deegaanka Garasbaaley Bashiir Cabdi Faarax ayaa hoggaanka cayaarta u dhiibay deegaankiisa daqiiqadii 4-aad ee cayaarta.

Hase yeeshee waxaa cayaarta barbaro ka dhigay cayaaryahanka lamabarka 9-aad Faarax Cumar Cusmaan daqiiqadii 14-aad, inta aan la aadin qaybta nasashada Faarax Cumar Cusmaan ayaa mar kale shabaqa gaaray wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2-1 oo lagu kala nastay qaybtii koowaad.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee cayaarta waxaa hoggaanka kulanka sii dheereysatay degmada Shibis kaddib markii labo gool uu dhaliyay mar kale qaybta labaad lambarka 9-aad Faarax Cumar Cusmaan daqiiqadihii 55-aad iyo 60-aad, natiijada cayaarta ayaana ku soo dhammaatay 4-0 oo ku adkaatay degmada Shibis.

Weeraryahanka degmada Shibis Faarax Cumar Cusmaan ayaa noqday cayaaryahankii u horreeyay ee dhaliyo afar gool tartanka degmooyinka & deegaannada gobolka Banaadir.

Garsoore Yoonis Cabdi ayaa bixiyay kaliya hal kaar oo ah kaarka digniinta waxaana la siiyay cayaaryahanka lambarka 8-aad ee degmada Shibis Khaalid Takar daqiiqadii 79-aad dhammaadkii cayaarta.

Dhanka kale ciyaartii kale ee ka tirsanayd guruubka B ayaa dhexmartay degmooyinka Cabdicasiis iyo Yaaqshiid.

Kulankan oo ahaa mid aad u adag waxay labada degmo soo bandhigeen ciyaar aad u qurux badan, natiijada kulanka ayaana ku soo dhammaatay 1-0 oo ku adkaatay degmada Yaaqshiid.

Goolka guusha waxaa degmada Yaaqshiid u dhaliyay Cabdicasiis Mukhtaar Ibrahim oo lambarka 26-aad u xirto degmada Yaaqshiid daqiiqadii 60-aad.

Guruub B waxaa hoggaanka u hayso degmada Shibis wallow min 6-dhibcood wada leeyhiin degmada Yaaqshiid.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button