2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupTartanka Degmooyinka 2023

SAWIRRO: Degmada Shingaani oo gaartay guushii labaad oo xiriir ah T/Degmooyinka & Deegaannada Gobolka Banaadir.

Kulankan oo u dhexeeyay degmooyinka Shingaani & Xamar Wayne kana tirsanaa Guruubka D ayaa lagu cayaaray garoonka Eng-yariisow ee degmada Cabdicasiis.

Qaybtii koowaad ee kulanaka ayaa lagu kala nastay 0-0 oo labada dhinac isku mari waayeen.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybta labaad labo gool uu dhaliyay cayaaryahanka lambarka 28-aad ee degmada Shingaani Cabdirisaq Maxamed Cabdullahi daqiiqadii 41-aad iyo daqiiqadii 60-aad ayey guusha ku qaadatay degmada Shingaani oo 2-0 ku garaacday X/wayne kulan ka tirsanaa Guruubka D tartanka degmooyinka & deegaannada gobolka Banaadir.

Garsoore Yaxye Daahir oo ahaa garsooraha dhexe ee kulankan ayaa bixiyay shan kaar oo ah kaarka digniinta waxaana saddex kamid ah la siiyay xiddigaha degmada Shingaani cayaartoyda kala ah, Cabduraxman Ibrahim lambarka 7-aad daqiiqadii 15-aad, Cabdiqani Axmed cali lambarka 21-aad daqiiqadii 31-aad, iyo lambarka 22-aad Sayid Qaasim Cusmaan daqiiqadii 68-aad.

Dhanka X/wayne waxaa la siiyay Shaacir Qaasim Cusmaan daqiiqadii 69-aad iyo Cabdimaalik Cumar daqiiqadii 71-aad.

Dhanka kale ciyaarta kale ee ka tirsanayd guruubka D ee dhexmartay degmooyinka Hodan & Howl-wadaag ayaa ku soo dhammaatay 0-0

Guruubka D waxaa hoggaanka u hayso degmada Shingaani oo guul ka gaartay labadii kulan ay cayaartay tartanka degmooyinka & deegaannada gobolka Banaadir.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button