2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupTartanka Degmooyinka 2023

SAWIRRO: Degmada Cabdicasiis oo gaartay guushii koowaad tartanka Degmooyinka & Deegaannada Gobolka Banaadir.

Cayaartan oo u dhexeesay degmooyinka Kaaraan & Cabdicasiis kana tirsanayd Guruubka B ayaa lagu cayaaray garoonka Eng-yariisow ee degmada Cabdicasiis.

Qaybtii koowaad ee kulanka ayaa lagu kala nastay 0-0 oo labada dhinac isku mari waayeen wallow ay jireen fursado ay abuureen labada degmo oo wax gool ah lagu dhalin.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee kulanka waxaa hoggaanka cayaarta u dhiibay degmada Cabdicasiis cayaaryahanka lambarka 23-aad Axmed Maxamed Yuusuf daqiiqadii 57-aad ee kulanka, iyadoo natiijada cayaarta ay ku soo dhammaatay 1-0 oo ku adkaatay degmada Cabdicasiis.

Garsoore Fu’aad oo ahaa garsooraha kulankan ayaa bixiyay kaliya hal kaar oo ah kaarka digniinta waxaana la siiyay cayaaryahanka lambarka 15-aad Aweys Cali Axmed ee degmada Kaaraan.

Dhanka kale kulankii u dhexeeyay degmooyinka kale ee ku wada jiro Guruubka B Yaaqshiid & Shibis ayaa ku soo dhammaaday 1-0 ay ku adkaatay degmada Yaaqshiid.

Yaaqshiid ayaa gaartay guushii saddexaad oo xiriir ah taas ku xaqiijiyeen iney u gudbeen wareegga sideed dhammaadka tartanka degmooyinka & deegaannada gobolka Banaadir.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button