2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupTartanka Degmooyinka 2023

SAWIRRO: Gubadley oo gaartay guushii saddexaad tartanka Degmooyinka & Deegaannada Gobolka Banaadir

Cayaartan oo u dhexeesay deegaanka Gubadley & Daarusalaam kana tirsanayd Guruubka A tartanka degmooyinka & deegaannada gobolka Banaadir ayaa lagu cayaaray garoonka Eng-yariisow ee degmada Cabdicasiis.

Qaybtii koowaad ee kulanka ayaa lagu kala nastay 0-0 wallow ay jireen fursado goolal loo filan karay hase yeeshee aan dhalan.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee kulanka cayaaryahanka lambarka 27-aad Cabdullaahi Cabdi oo beddel ku soo galay cayaarta ayaa hoggaanka u dhiibay deegaanka Gubadley daqiiqadii 60-aad ee cayaarta, weeraro iyo dadaalo kale ay sameeyeen xiddigaha Gubadley waxay heleen goolka labaad ee kulanka waxaana u dhaliyay lamarka 20-aad Deerow Xasan Maxamed daqiiqadii 79-aad dhammaadkii cayaarta.

Natiijada kulankan ayaa ku soo dhammaatay 2-0 oo ku adkaatay deegaanka Gubadley oo noqotay deegaankii ugu horreeyay ee guul gaaro saddex cayaar oo isku xigto, waxaana xusid mudan in cayaartoyda goolasha dhalisay ee beddel ku soo galeen qaybta labaad ee cayaarta.

Garsooraha cayaartan ayaa bixiyay 5-kaar oo ah kaarka digniinta iyo hal casaan, deegaanka Daarusalaam ayaa la siiyay saddex kaar oo kaarka digniinta iyo hal casaan, cayaartoyda kala ah, lambarka 4-aad Cabdiraxman Cabdi daqiiqadii 36-aad, lambarka 6-aad Cabdinasir Maxamed Yuusuf daqiiqadii 70-aad, lambarka 14-aad Maxamed Suldaan Xasan daqiiqadii 70-aad iyo Cabdiraxman Cabdi oo la siiyay kaarka labaad ee casaanka daqiiqadii 79-aad ee cayaarta.

Dhanka deegaanka Gubadley waxaa la siiyay kaliya labo kaar oo ah kaarka digniinta cayaartoyda kala ah lambarka 66-aad Maxamed Deeq Aadan Ibrahim iyo lambarka 17-aad Cabdullaahi Cabdirixiin Muuse daqiiqadii 64-aad ee cayaarta.

Guruubka A waxaa hoggaanka u hayso deegaanka Gubadley oo guul gaartay saddex kulan ay cayaartay iygoo leh 9-dhibcood kaalinta labaad waxaa ku jirto degmada Dharkenley oo leh 6-dhibcood qaybta hoose ka eeg kala sarreynta Guruubka A.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button