2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupTartanka Degmooyinka 2023

Guruubka C ee tartanka degmooyinka iyo deegaannada gobolka Banaadir 2023 oo la soo gabagabeeyey.

Waxaa la soo gabagabeeyey Guruubka C ee tartanka degmooyinka iyo deegaannada gobolka Banaadir oo ay ku wada jireen X/Jajab, Warta Nabadda, Dayniile, Heliwaa iyo Waaberi.

Guruub waliba oo tartanka ah ayaa laga doonayay kaliya labo degmo ama deegaan, waxaana Guruubka C kaalinta koowaad kaga soo baxay degmada Warta Nabadda oo farqiga goolasha booskaas ku gashay, maadaama ay min sagaal dhibcood la wadaagto degmada Xamar Jajab.

Waxaa Guruubka C macsalaameeyey degmada Dayniile oo dhibco 7 ah la timid, Waaberi iyo degmada Heliwaa.

Kulankii u dhexeeyey Xamar Jajab iyo Warta Nabadda ayaa ku soo idlaaday 1-0 ay ku adkaatay degmada Xamar Jajab, kulankaasoo lagu ciyaaray garoonka Stadium Mogadishu.

Waxaa kulankan la bixiyey shan kaar oo kuwa digniinta ah waxaana afar ka mid ah la siiyey xiddigaha degmada Xamar Jajab.

Qeybtii hore ee kulankan ayaa lagu kala nastay barbaro goolal la’aan 0-0 ah, waxaana garsoore ka ahaa Maxamed Soomaali.

Goolka ay guusha ku qaateen kulankan degmada Xamar Jajab waxaa u dhaliyey daqiiqaddii 70-aad ciyaaryahanka No 9 C/qaadir Cusmaan Maxamed, sidaas ayaana looga adkaaday degmada Warta Nabadda.

Dhinaca kale kulankii u dhexeeyey Waaberi iyo Dayniile ayaa ku soo dhammaaday barbaro 1-1 oo ay labada degmo isla dhaafi waayeen, taasoo faa’iido u noqotay degmada Xamar Jajab oo ka soo baxday Guruubka C.

Degmada Waaberi ayaa goolka la horreysay waxaa u dhaliyey ciyaaryahan Liibaan Nuur, halka degmada Dayniile ay goolka barbaraha dhammaadkii ciyaarta ka heleen ciyaaryahankooda Bile Cali, kulanka ayaana ku soo idlaaday gar isku mid ah 1-1.

Labada degmo ee Warta Nabadda iyo Xamar Jajab ayaa ka soo baxay Guruubka C, waxaana ay iska xaadiriyeen siddeed dhammaadka tartanka degmooyinka iyo deegaannada gobolka Banaadir.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button