2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupTartanka Degmooyinka 2023WARARKA MAANTA

SAWIRRO: Gubadley oo u gudubtay wareegga afar dhammadka tartanka Degmooyinka & Deegaanmada Gobolka Banaadir.

Kulankan oo u dhexeeyay Degmada Xamar Jajab & Deegaanka Gubadley kana tirsanaa wareegga sideed dhammaadka tartanka degmooyinka & deegaannada Gobolka Banaadir ayaa galabta lagu cayaaray garoonka kubbadda cagta Eng-yariisow ee degmada Cabdicasiis.

Qaybtii koowaad ee kulanka ayaa lagu kala nastay 0-0 oo labada dhinac isku mari waayeen wallow ay jireen fursado ay abuureen labada dhinac.

Marka dib la isugu soo laabtay dhammaadkii cayaarta X/Jajab waxaa loo dhigay Gool-kulaad kaddib qalad uu galay lambarka 2-aad ee daafaca Gubadley Cabdifitaax Axmed waxaana gool u beddelay lambarka 6-aad ee degmada Xamar Jajab Cabdiqani Cali daqiiqadii 74-aad, hase yeeshee shan daqiiqo kaddib ayey iska soo barbareeyeey Gubadley goolka laga dhaliyay waxaana u saxiixay Cabdifitaax Axmed oo lahaa qaladka goolkii laga dhaliyay Gubadley isaga ayaana ka farxiyay taageerayaasha Gubadley.

Natiijada cayaarta ayaa ku soo dhammaatay 1-1 waxaana labada dhinac lagu kala saaray Gool-kulaadyo iyadoo 3-1 ku adkaatay Gubadley oo iska xaadirisay markii ugu horreysay wareegga afar dhammaadka tartanka degmooyinka & deegeennada gobolka Banaadir.

Garsoore Najiib Cawil oo ahaa garsooraha dhexe ee cayaarta ayaa bixiyay shan kaar oo ah kaarka digniinta waxaana saddex ka mid ah loo taagay xiddigaha degmada Xamar Jajab cayaartoyda kala ah lambarka 20-aad Khadar Axmed daqiiqadii 40-aad, lambarka 4-aad Cali Maxamed Cali daqiiqadii 58-aad iyo lambarka 8-aad Cabdirisaq Maxamed daqiiqadii 67aad.

Dhanka Gubadley waxaa la siiyay lambarka 4-aad Xamze Cabdi Maxamed, lambarka 27-aad Cabdullahi Cabdiraxmaan Muuse.

Sikastaba deegaanka Gubadley ayaa sugi doonta midkood labada degmo ee Yaaqshiid & Hodan oo berri cayaari doona wareegga sideed dhammaadka tartanka degmooyinka & deegaannada gobolka Banaadir.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button