2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupTartanka Degmooyinka 2023WARARKA MAANTA

SAWIRRO: Warta-Nabadda oo u gudubtay wareegga afar dhammaadka tartanka degmooyinka & deegaannada Gobolka Banaadir.

Cayaartan oo u dhexeesay degmooyinka Dharkenley & Warta-Nabadda kana tirsanayd wareegga sideed dhammaadka tartanka degmooyinka & deegaannada gobolka Banaadir ayaa galabta lagu cayaaray garoonka Eng-yariisow.

Kulankan oo ahaa mid aad u adag labada degmo ayaa soo bandhigay cayaar awood ahaan garbo siman waxaana qaybtii koowaad lagu kala nastay 0-0 oo labada dhinac isku mari waayeen.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad degmada Warta-Nabadda ayaa heshay gool uu u dhaliyaya cayaaryahanka lambarka 10-aad Cabdicasis Maxamed daqiiqadii 53-aad, natiijada cayaarta ayaana ku soo dhammaatay 1-0 oo ku adkaatay degmada Warta-Nabadda oo iska xaadirisay wareegga afar dhammaadka tartanka degmooyinka iyo deegaannada gobolka Banaadir.

Garsoore Maxamed Soomaali oo ahaa garsooraha dhexe ee kulanka ayaa bixiyay afar kaar oo ah kaarka digniinta iyo hal casaan.

Dwgmada Warta-Nabadda waxaaa la siiyay saddex kaar oo ah kaarka digniinta xiddigaha kala ah lambarka 33-aad Cabdiqaadir C/raxman daqiiqadìi 35-aad, lambarka 59-aad Cabdiwahaab Macalin daqiiqadii 42-aad iyo lambarka 14-aad Maxamed cabdifitax cabdixakiindaqiiqadii 60-aad

Dhanka Degmada Dharkenley waxaa la siiyay lambarka 2-aad Jamaal Jeylaani daqiiqadii 45-aad, lambarka 23-aad Maxamed Cabdi Cali daqiiqadii 85-aad iyo lambarka 26-aad Usaame Jamaal oo laga saaray cayaarta daqiiqadii 79-aad kaddib markii uu si ula kac ah u laaday mid kamid ah cayaartoyda Degmada Warta-Nabadda dhammaadkii cayaarta

Si kastaba degmada Warta-Nabadda ayaa sugi doonto degmadii soo adkaato Shingaani & Cabdicasiis oo beri cayaari doono kulan ka tirsan wareegga sideed dhammaadka tartanka degmooyinka iyo deegaannada Gobolka Banaadir 2023.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button