2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupTartanka Degmooyinka 2023WARARKA MAANTA

SAWIRRO: Shangaani oo u gudubtay wareegga afar dhammaadka tartanka degmooyinka & deegaannada Gobolka Banaadir 2023.

Degmada Shangaani ayaa iska xaadirisay wareegga afar dhammaadka tartanka degmooyinka iyo deegaannada Gobolka Banaadir 2023, kaddib markii ay gool ku laadyo ku dhaaftay degmada Cabdicasiis.

Kulanka u dhexeeyey degmooyinka C/casiis iyo Shangaani ayaa ahaa kulankii ugu dambeeyey wareegga siddeed dhammaadka tartanka degmooyinka & deegaannada gobolka Banaadir ayaa lagu cayaaray garoonka Eng-yariisow.

Kulankan oo ahaa mid aad u adag labada degmo ayaa soo bandhigay cayaar awood ahaan iska agdhow, waxaana qaybtii koowaad lagu kala nastay garbo siman oo 0-0 ah oo labada dhinac isku mari waayeen.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad labada degmo ayaa dadaallo badan sameeyey oo ku dhowaaday inay shabaqa gaaraan.

Degmada C/casiis ayaa ku dhowaatay inay hoggaanka la wareegto qeybtii dambe ee ciyaarta iyadoo uu rigoore ka lumiyey No 21 ee Axmed Sabaana daqiiqaddii 46-aad, balse kulanka ayaa ku soo dhammaaday goolal la’aan.

Garsoore C/fitaax Mire oo dhex-dhexaadinayay kulanka ayaa bixiyay kulankan labo kaar oo kuwa digniinta ah, waxaana uu kala siiyey qeybtii hore ee ciyaarta No 43 Ismaacil Cali Salaad oo ka tirsan Shangaani iyo No 2 Axmed Cabdullaahi oo ka mid ah degmada C/casiis.

Ugu dambeyntii waxaa loo baahday in labada degmo lagu kala saaro gool ku laadyo, waxaana rigoorayaal 4-5 ah ku adkaatay degmada Shangaani.

C/casiis shantii gool ku laad ee loo dhigay waxa ay dhalisay afar ka mid ah, halka degmada Shangaani ay wada dhalisay dhammaan rigoorayaashii loo dhigay.

Degmada Shangaani ayaa wareegga afar dhammaadka tartanka degmooyinka iyo deegaannada gobolka Banaadir 2023 ku wajihi doonta degmada Warta Nabadda oo soo reebtay Dharkenley.

SAWIRRO

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button