2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupTartanka Degmooyinka 2023

SAWIRRO: Deegaanka Gubadley oo markii ugu horreysay gaaray fiinaalka tartanka degmooyinka & deegaannada Gobolka Banaadir.

Cayaartan oo u dhexeesay degmada Yaaqshiid & deegaanka Gubadley kana tirsanayd wareegga afar dhammaadka tartanka degmooyinka & deegaannada gobolka Banaadir ayaa galabta lagu cayaaray garoonka Eng-yariisow.

Kulankan oo ahaa mid aad u adag labada dhinac ayaa soo bandhigay cayaar awood ahaan garbo siman waxaana qaybtii koowaad lagu kala nastay 0-0 ma jirin fursado halis ah ay abuureen labada dhinac qaybtii koowaad ee kulanka.

Qaybtii labaad ee cayaarta wax gool ah la iskama dhalin wallow ay jireen fursado ay abuureen labada dhinac marka la barbardhigo qaybtii koowaad, natiijada cayaarta ayaa ku soo dhammaatay 0-0

Garsoore Cabdifitaax Saciid Mire oo ahaa garsooraha dhexe ee cayaarta ayaa bixiyay 9 kaar oo ah kaarka digniinta deegaanka Gubadley waxaa la siiyay shan kamid ah kaarka digniinta waxaana kala qaatay lambarka 27-aad Cabdullahi Cabdiraxman Muuse daqiiqadii 30-aad, lambarka 71-aad Bashiir Cumar daqiiqadii 52-aad, lambarka 66-aad Deeqow Aadan daqiiqadii 56-aad, lambarka 5-aad Mustaf cali daqiiqadii 58-aad, lambarka 9-aad Xasan Cumar daqiiqadii 74-aad

Degmada Yaaqshiid waxaa la siiyay 4 kaar oo ah kaarka digniinta waxaana kala qaatay cayaartoyda kala ah, lambarka 75-aad Cabdiwaasac ,Mukhtaar daqiiqadii 45-aad, lambarka 15-aad Jaamac Xasan daqiiqadii 68-aad, Maxamed Cabdulahi daqiiqadii 70-aad, lambarka 42-aad Cabdiqaadir Maxamed daqiiqadii 78-aad.

Si kastaba deegaanka Gubadley ayaa sugi doona fiinaalka degmooyinka Shingaani & Warta-nabadda oo beri cayaari doono kulan ka tirsan wareegga afar dhammaadka tartanka degmooyi iyo deegaannada Gobolka Banaadir 2023.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button