2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupTartanka Degmooyinka 2023WARARKA MAANTA

SAWIRRO: Deegaanka Gubadley oo guuleystay tartanka degmooyinka iyo deegaannada Gobolka Banaadir 2023

Deegaanka Gubadley ayaa taariikh dhigay kuna guuleystay koobka degmooyinka iyo deegaannada Gobolka Banaadir 2023, kaddib markii ay ka adkaadeen degmada Warta Nabadda.

Degmada Warta-Nabadda iyo Deegaanka Gubadley ayaa galabta wada ciyaaray kulanka kama dambeysta koobka degmooyinka iyo deegaannada Gobolka Banaadir 2023.

Qeybtii hore ee ciyaarta waxaa la bixiyey labo kaar oo kuwa digniinta ah oo la kala siiyey labada dhinac, waxaana deegaanka Gubadley laga siiyey Tababarahooda Govinda daqiiqaddii 20-aad, halka Degmada Warta Nabadda uu kaarka Jaallaha ka qaatay Ciyaaryahankooda lambarka 4-aad ee Cabaas C/qaadir daqiiqaddii 24-aad.

Kulankan oo ahaa mid adag labada kooxoodna ay muujiyeen qaab difaaceed adag ayaa qeybta hore lagu kala nastay barbaro goolal la’aan 0-0.

Kulanka kama dambeysta ee galabta u dhexeeya Degmada Warta-Nabadda iyo Deegaanka Gubadley waxaa dhex-dhexaadinaya garsoore dhexe iyo afar calan-wade, waana markii ugu horreysay ee sidaas la sameeyo taariikhda kubadda cagta Soomaaliya.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad Degmada Warta Nabadda ayaa markale kaarka digniinta ah laga qaatay, waxaana loo taagay lambarka 10-aad ee C/casiis Axmed daqiiqaddii 54-aad.

Deegaanka Gubadley waxaa kaarka digniinta ah ka qaatay daqiiqaddii 71-aad ciyaaryahanka lambarka 21-aad ee C/llaahi Maxamed Mataan.

Waqtigii loogu talagalay ciyaarta ayaa ku dhammaaday barbaro goolal la’aan 0-0, waxaana ugu gool ku laadyo 4-3 ah oo koobka uu ku qaaday deegaanka Gubadley.

Deegaanka Gubadley ayaa sidaas maanta taariikh ku sameeyey, isla markaana noqday deegaankii ugu horreeyey ee ku guuleysta koobka degmooyinka iyo deegannada Gobolka Banaadir Taariikhda.

Dhanka kale habaarka koob la’aanta degmada Warta Nabadda ayaa halkiisa ka sii soconaya, iyadoo in ka badan 20 sano aysan ku guuleysan koobka degmooyinka iyo deegaannada Gobolka Banaadir.

Kulankan oo lagu ciyaaray garoonka Eng. Yariisow, waxaa garsoore ka ahaa Garsoore Najiib Cawil.

Waxaan hambalyo leennahay deegaanka Gubadley oo koobka ku guuleystay galabta.

SAWIRRO:

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button