2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupSOOMAALIYAWARARKA MAANTA

Garsoore Cumar Cartan Soomaaliga kaliya ee ka soo muuqanaya Champions League qaaradda Afrika

Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa ka ambabaxay Magaalada Muqdisho, waxaana uu ku sii jeedaa Magaalada Algiers ee dalka Algeria, halkaasoo uu kaga soo muuqan doono kulan ka tirsan siddeed dhammaadka Champions League ee qaaradda Afrika.

Garsooraha Soomaaliyeed ee Cumar Cartan ayaa qeyb ka noqon doona garsooreyaasha kulanka ka dhacaya dalka Algeria ee ku tirsan quarterfinal-ka Champions League Afrika ee CAF Champions League, kaasoo u dhexeeya kooxaha CR Belouizdad ee dalka Algeria iyo Mamelodi Sundowns oo ka mid ah kooxaha ugu waa weyn dalka South Africa.

Kulankan oo lagu qaban doono aaladda muuqaal caawiyaha garsoorka ee VAR ayaa garsoore Cumar Cartan waxa uu ka yahay sarkaalka afaraad, waana Soomaaliga kaliya ee Soomaaliya ku metelaya tartanka Champions League ee qaaradda Afrika.

Peter WAWERU KAMAKU oo u dhashay waddanka Kenya ayaa seeriga u qaban doona kulankan, halka calan-hayaha koowaad uu yahay Souru PHATSOANE oo ka soo jeeda Lesotho, iyadoo calan wadaha labaadna uu yahay Gilbert Kipkoech oo dhashay dalka Kenya.

Aaladda muuqaal caawiyaha garsoorka ee VAR waxaa kulankan u fadhin doona garsoore Daniel Nii Ayi oo u dhashay dalka Ghana.

Kulankan u dhexeeya kooxaha CR Belouizdad iyo Mamelodi Sundowns ayaa sida qorshuhu yahay laga baasan doonaa garoonka NELSON MANDELA Stadium, magaalada Algiers ee dalka Algeria marka ay taariikhdu tahay 22-ka bishan aynu ku jirno ee April 2023.

Sida xogta lagu hayo ma jiro qof Soomaali ah oo heerkan gaaray, isla markaana qabtay kulan ka tirsan Champions League Afrika, marka laga reebo garsooraha da’da yar ee Cumar Cartan oo noqonaya Soomaaligii ugu horreeyey ee ka soo muuqanaya siddeed dhammaadka Koobka Champions League ee qaaradda Afrika.

Horay Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa noqday horraantii sanadkan 2023 Soomaaligii ugu horreeyay ee FIFA ay siiso (License) Aaladda muuqaal caawiyaha garsoorka ee VAR kaddib tababar uu u galay.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button