2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupPremier LeagueWararka

Gabriel Jesus: “Xiddigaha Arsenal waxa ay weli aaminsan inay ku guuleysan karaan horyaalka Premier League”

Gabriel Jesus ayaa shaaca ka qaaday in xiddigaha kooxda Arsenal ay wali aamisan yihiin inay ku guuleysan karaan horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, xilli ay isku diyaarinayaan kulanka ay habeenka Arbacada la leeyihiin Manchester City.

Arsenal ayaa dhibco lumisay, isla markaana saddex barbaro oo isku xiga gashay Premier League, taasoo fursad u siisay hanashada horyaalka kooxda difaacanaysa ahna naadigii uu Jesus ka soo tagay ka hor inta uusan ku soo biirin Gunners xagaagii hore.

Laakiin, weeraryahanka reer Brazil oo afar koob oo horyaalka Premier League ah kula guuleystay Man City ayaa ku adkeysanaya inuu weli ku guuleysan karo koobkiisa shanaad ee horyaalka,  maadaama uu arko in saaxiibadiisa Arsenal ay hurdada kaga tooseen kulankii Jimcihii ay barbarha la galeen Southampton, isla markaan la iska dhaliyey lix gool.

Kaddib barbarahaas Jesus ayaa bannaanka keenay sheekadii qolka labiska ku dhexmartay xiddigaha Arsenal si uu u ogeysiiyo taageerayaasha kooxda, waxa uuna yiri: “Waxaan u baahannahay inaan horay u soconno oo aan aaminaadda sii wadno, horyaalka Premier League aad ayuu u adag yahay in lagu guuleysto.

“Halkan uma joogno inaan mar walba marmarsiyo bixinno, balse waa horyaal adag – waxaa jira kulamo fiican iyo ciyaaro adag, kulamadii ugu dambeeyey ee aan ciyaarnay, waxaan la kulannay kooxo adag.

“Xitaa haddii aadan dhibco lumin sidii nagu dhacday kulamadii ugu dambeeyay, waxba isma beddelayo – waa final [Arbaca].

“Kulan walba waa final, waa inaan u wajahnaa sida final-ka oo kale, kani waa kulanka ugu muhiimsan ee xilli ciyaareedkeenna.

“Waa inaan fahamnaa in dhibco kasta uu go’aamin karo horyaalka, laakiin sida aan dhammaanteen dhahno, hadda waa waqtigii aan isku xirnaan lahayn, kaddibna aan markale dhaqaaqi lahayn.” Ayuu hadalkiisa ku soo xiray Jesus oo bishan April 26 jirsaday.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button