SOOMAALIYAWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Kooxda Caasha-neero oo ku guuleysatay tartankii kubbadda cagta Bisha Ramadaan.

Waxaa la soo gabagabeeyay tartankii kubbadda cagta ee bisha ramadaan lagu qabtay garoonka kubbadda cagta Banaadir Stadium, ee degmada Deyniile.

Tartankan waxaa ka qaybgalay illaa iyo 16-koox oo ka kala socday waaxaha ay ka koobantahay degmada Deyniile waxaana fiinaalka tartanka isugu soo haray kooxaha Galhareeri & Caasha-neera iyadoo ay ku guuleysatay kooxda Caasha-neera.

Markii ay ciyaarta soo dhammaatay waxaa warbaahinta la halay Cabdirisaaq Dhiblaawe oo ahaa guddoomiyaha tartanka isagoo sheegay in tartanka uu ku soo dhammaaday si aad u wanaagsan wuxuuna u mahadceliyay dhammaan kooxaha ka qaybgalay tartanka.

Dhanka kale waxaa goobta ka hadlay guddoomiyaha ciyaaraha degmada Deyniile Cabdi Bootaan wuxuuna ku amaanay guddiga tartanka howsha adag ay qabteen inta uu socday tartanka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button