2022 FIFA World CupPremier LeagueWararka

Weeraryahanka Man City ee Erling Haaland oo farriin u diray kooxda Arsenal ka hor kulankooda Arbacada

Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Manchester City ee Erling Haaland ayaa farriin adag u diray naadiga Arsenal ka hor kulankooda horyaalka Premier League ee Arbacada ku dhex mari doona garoonka Etihad.

Arsenal ayaa lix dhibcood lumisay saddexdii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League kaddib markii ay barbaro galeen saddexda kulanba, waxaana Gunners ay haatan shan dhibcood ka horreysaa Man City oo labo kulan oo baaqi ah gacanta ku haysata.

Kooxda Manchester City ayaa soo dhoweynaysa Arbacada naadiga ay horyaalka kula tartamayso xilli ciyaareedkan ee Arsenal, iyadoo la ogyahay in kooxdii adkaata kulankaas ay tallaabo u qaadaysan ku guuleysiga horyaalka Premier League.

Haaland oo si dhow ula socday kulankii ay Arsenal barbaraha 3-3 ah la gashay kooxda Southampton ee ku tirsnaa horyaalka Premier League ayaa farriin u diray Gunners ka hor kulankooda Etihad.

Kaddib kulankaas ay Arsenal labada dhibcood lumisay ayuu Haaland soo beegsaday barihiisa xiriirka bulshada ka hor kulankooda habeenka Arbacada.

Kaddib kulankii Jimcihii ay Arsenal 3-3 la gashay Southampton ayuu Haaland soo qoray: “Wajiga” waxaana uu sii raaciyey qoraal ah “Anigu waan daawanayaa.”

Haaland ayaa u muuqda mid sii cabsi gelinaya Arsenal, iyadoo labada kooxood ay mid waliba doonayso inay adkaato kulankan si ay u wanaagsanaato fursaddeeda hanashada horyaalka Premier League.

Yeelkeede, Kooxda Arsenal ayaan ku soo adkaan garoonka Etihad tan iyo bishii Janaayo ee sanadkii 2015.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button