Andreas Christensen oo dib ugu soo laabtay tababarka Kooxdiisa Barcelona
Andreas Christensen ayaa dib ugu soo laabtay tababarka kooxdiisa Barcelona, halka Ousmane Dembele uu isna ku dhow yahay inuu soo laabto.
Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa maanta oo Isniin ah dib ugu soo laabtay tababarka, waxaana la xaqiijiyey in tababarka naadiga uu qeyb ka ahaa Andreas Christensen.
Daafaca dhexe ee Denmark ayaa tababarka si caadi ah ula qaatay xiddigaha kooxda Barcelona maanta, dhinaca kale Ousmane Dembélé ayaa laftiisu ku jira heerarkii ugu dambeeyey ee soo kabashadiisa dhaawac uu la maqnaa.
Frenkie de Jong iyo Pedri ayaa dhankooda tababarka caadiga ah ee kooxda Barca ka qeyb-qaatay, maadaama horay loo siiyey ogolaansho caafimaad, waxaana ay ku jireen shaxdii Tababare Xavi Hernández ee shalay oo Axad ahayd 1-0 uga adkaaday kooxda Atlético Madrid, waxaana labadaan xiddig la filayaa inay safka hore ugu billowdaan Barcelona kulanka ay Arbacada soo aaddan wajahayaan Rayo Vallecano.
Tababaraha kooxda Blaugrana ayaa haatan si tartiib-tartiib ah dib ugu helaya dhammaan xiddigihiisii dhaawaca kaga maqnaa, iyadoo lagu sii dhow yahay dhammaadka xilli ciyaareedka, Macallin Xavi ayaana haatan fursad weyn u haysta inuu kooxdiisa Barcelona la qaado horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan, iyagoo haatan 11-dhibcood ka sarreeya Real Madrid.
Astaan Sports