Kooxda Chelsea oo dib u soo cusboonaysiinaysa xiisihii ay u qabtay Neymar Jr
Sida wararku ay sheegayaan kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa suuqa kala iibsiga xiddigaha ee xaggaagan dib u soo cusboonaysiinaya xiisihii ay u qabtay Weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain ee Neymar Jr.
Waxa uu lixdii sano ee la soo dhaafay Neymar Jr ku qaatay caasimadda Faransiiska kaddib markii uu ka tagay kooxda Barcelona sanadkii 2017-kii kuna biiray PSG.
Qandaraaska uu Neymar Jr kula jiro PSG waxa uu ku eg yahay bisha June ee sanadka 2025-ka, waxaana jira warar la isla dhexmarayo oo sheegaya in jiro shaki ku aaddan mustaqbalkiisa.
Wararka waxaa kale oo ay intaa ku darayaan in Madaxweynaha kooxda PSG ee Nasser Al-Khelaifi uu qorsheynayo inuu isbeddel badan ku sameeyo qorshaha kooxda ee suuqa kala iibsiga, isagoo doonaya inuu naadiga ka diro xiddigaha waa weyn, isla markaana uu kooxda ku soo biiriyo xagaagan xiddigo da’yar ah.
Haddaba sida ay warinayso Jariiradda The Mirror kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa dib u soo nooleynaysa xiisahooda ku aaddan Neymar Jr kaddib markii ay horraantii sanadkan isku dayeen inay la soo wareegaan.
Xiddiga reer Brazil ayaa dhaliyey 118 gool intii uu joogay kooxda Paris Saint-Germain, waxaana uu sameeyey 77 caawin 173 kulan oo uu u saftay tartammada oo dhan kooxda ka dhisan caasimadda Faransiiska.
Su’aasha la isweydiinayo ayaa ah Neymar Jr mala qabsan doonaa kooxda Chelsea muxuuse ku soo kordhin karaa haddii uu ku soo biiro naadiga ka dhisan caasimadda Ingiriiska ee London?.
Astaan Sports