Macallin Erik Ten Hag oo magacaabay labada xiddig ee xalay Man United u soo saaray Final-ka FA Cup
Macallinka kooxda kubadda cagta Manchester United ee Erik Ten Hag ayaa amaan kala dul dhacay labo ka mid ah xididgaha kooxdiisa oo uu rumeysan yahay inay sabab u ahaayeen in Red Devils ay gaarto final-ka FA Cup-ka, markii ay gool ku laadyo kaga adkaadeen naadiga Brighton & Hove Albion.
Waxa ay kooxda Manchester United xalay dhaawacyo ku weysay labadeeda daafac dhexe ee Lisando Martinez iyo Rpahael Varane, kuwaasoo ay dhaawacyo ka soo gaareen lugtii hore ee kulankii ay la dheeleen naadiga Sevilla, sidoo kalena waxa ay kulankii Brighton ganaax ku weysay kabtankeeda Harry Maguire.
Tababare Erik Ten Hag ayaa ku qasbanaaday inuu daafaca dhexe kulankii xalay Luke Shaw ka garab ciyaariiyo Victor Lindelof, waxaana ay dadaal u galeen inaan shabaqooda gool la dhaafin kaddib 120 daqiiqo oo ay la ciyaareen Brighton oo bandhig fiican samaynaysay.
Haddaba Macallin Man United ee Erik Ten Hag oo la hadlay BBC Sports ayaa magacaabo labo xiddig oo uu u arko inay ahaayeen labadii ciyaaryahan ee Man United xalay gaarsiiyey Final-ka FA Cup-ka.
“Lindelof waa xiddig deggan marka ay noqoto gool ku laadka, gabi ahaantiisaba waa ciyaryahan deggan” ayuu hadalkiisa ku bilaabay Tababare Erik Ten Hag oo la hadlayay BBC Sports.
“Waxa ay ila tahay in Victor iyo Luke Shaw ay si heer sare ah u ciyaareen, waxay si wanaagsan ula shaqeeyeen Casemiro” ayuu hadalkiisa raaciyey Macallinka Man Utd.
Dhinaca kale Erik Ten Hag ayaa iloobin inuu xuso goolhaye David de Gea oo badbaadin cajiib ah ka sameeyey kubbad halis ahaa oo kaga yimid Alexis MacAllister, Julio Enisco iyo Solly March.
Si kastaba ha ahaateen Victor Lindelof iyo Luke Shaw ayuu Macallin Erik Ten Hag u arkaa inay ahaayeen labada ciyaaryahan ee xalay Manchester United u soo saaray Final-ka FA Cup-ka.
Manchester United iyo Manchester City ayaa wada ciyaari doona markoodii ugu horreysay final-ka FA Cup 3-da bisha June 2023.
Astaan Sports