2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupArsenalMan CityPremier League

Miyuu daafaca Arsenal ee William Saliba diyaar u yahay kulanka Man City?

Warbixin ayaa laga helayaa xaaladda dhaawac daafaca dhexe ee kooxda Arsenal, William Saliba ka hor kulanka adag oo ay kooxdiisa Gunners Arbacada todobaadkan la leedahay naadiga Manchester City.

Kooxda Arsenal ayaa inta badan xilli ciyaareedkan hoggaanka u haysay horyaalka Premier League, waxaana wali ay ku horkacaysaa shan dhibcood oo saafi ah, inkastoo Man City ay gacanta ku haysato labo kulan oo baaqi ah, runtuna waxa ay tahay in Man City ay ku guuleysanayso horyaalka Premier League markeedii saddexaad oo xiriir ah haddii ay wada adkaato dhammaan kulammada u haray.

Arsenal waxaa dib u dhigay in saddexdeedii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka ay si xiriir ah barbaro ula soo gashay kooxaha Liverpool, West Ham United iyo Southampton, waxaana Gunners ay todobaadkan booqanaysaa garoonka Etihad oo haddii ay dhibco ku sii lumiso ay ceel-dheer ku sii dhacayso rajadeeda hanashada horyaalka Premier League.

Yeelkeede, Arsenal ayaa heleysa war aan faraxad gelin, iyadoo ay soo yeereyso in Gunners aysan heli doonin daafaceeda dhexe ee William Saliba oo sida warbixinnadu ay tilmaamayaan dhaawac ku seegaya kulanka ay booqanayaan Manchester City.

Wargeyska The Athletic ayaa warinaya in Saliba uu dhaawac dhabarka ah u diidayo inuu qeyb ka noqdo kulankaas oo uu seegi doono.

Dhinaca kale Suxufiga David Ornstien ayaaba sheegaya inay jirto cabsi ah in Saliba uu garoomada dhaawacaas dhabarka ah uga maqnaan doono inta ka harsan xilli ciyaareedka.

Kulamadii ugu dambeeyey ee kooxda Arsenal waxaa doorka Saliba ciyaarayay Rob Holding, kaasoo ay u badan tahay in booska Saliba uu markale buuxin doono kulanka ay wajahayaan Arsenal, waxaana laga dhowrayaa inuu gool ka celiyo Weerarka halista ah ee City oo uu horkacayo Erling Haaland.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button