2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupPremier LeagueWararka

Miyuu William Saliba seegi doonaa kulanka Man City ? – Macallin Mikel Arteta ayaa ka jawaabaya

Macallinka kooxda kubadda cagta Arsenal ee Mikel Arteta ayaa xaqiijiyey in William Saliba uusan ciyaari doonin kulanka Arbacada ay garoonka Etihad kula soo ciyaari doonaan kooxda Manchester City.

 Xiddiga xulka qaranka Faransiiska ayaa lagu qasbay inuu ka maqnaado Gunners shantii kulan ee ugu danbeysay kaddib dhaawac dhabarka ah oo ka soo gaaray kulankii ay la ciyaareen kooxda Sporting Lisbon ee tartanka Europa League bishii hore.

Iyadoo Saliba uu maqan yahay, Arsenal ayaa heshay dhibcaha ugu badan labo ka mid ah shantii kulan ee ugu dambeysay ee Premier League, iyagoo ku guuldarreystay inay shabaqa ilaashadaan mid kasta oo ka mid ah kulamadaas, waxaana laga dhaliyay 7 gool saddexdii kulan ee ugu dambeysay.

Gunners ayaa haatan maanka ku haysa inay Man City oo labo kulan ay baaqi u tahay ka sarreyso shan dhibcood, isla markaana guul ay ku soo gaaraan Etihad ay sare u qaadi karto rajadooda hanashada horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Si kastaba ha noqotee, hoggamiyeyaasha horyaalka Premier league ayaa wajahaya kooxda xafidanaysa horyaalka iyadoo aan haysan daafacooda dhexe ee Saliba, iyadoo Tababare Arteta uu xaqiijiyey inuusan wali xiddigani wax horumar ah ka sameynin soo kabsashadiisa.

Isagoo warbaahinta kula hadlayey shirkiisa jaraa’id Tababare Arteta ayaa yiri: “Ma jirto wax horumar dhab ah oo uu sameeyey, sidaas darteed weli waan sugeynaa, weli waan ku rajo weynnahay, laakiin waa isbuuc kale oo ina dhaafay, mana awoodin inuu tababar la qaato kooxda.”

Markii la weydiiyey haddii uu Saliba maqnaan karo inta ka harsan xilli ciyaareedkan, Macallin Arteta ayaa yiri isagoo dhoolla-cadeynaya: “Arrintaas waxaan u daynaynaa dhakhaatiirta si ay u sharraxaan, wakhti xaadirkaan ma heysano isaga, kulanka soo socdana waxaa laga yaabaa inuu sidoo kale aad hoosta uga soo galo, waa inaan todobaadba todobaadka xiga sugnaa isaga.”

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button