2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupChelseaPremier LeagueWararka

Tababare Mauricio Pochettino oo aqbalay inuu tababare u noqdo kooxda Chelsea

Macallin Mauricio Pochettino ayaa lagu soo warramayaa inuu ogolaaday inuu noqdo tababaraha xiga ee kooxda Chelsea xagaaga.

Maamulka ugu sarreeya kooxda Blues ayaa la sheegayaa inay la dhacsan yihiin Macallin Pochettino, kaasoo ay doonayaan inuu beddelo Tababaraha Graham Potter oo laga cayriyey Chelsea.

Tababareyaasha la la xiriirinayey shaqada Chelsea waxaa ku jiray Luis Enrique iyo Julian Nagelsmann, balse haatan waxa ay u muuqataa inay caddaatay in Mauricio Pochettino uu yahay kan ay doorteen maamulka sare ee Blues.

Sida ay warinayso Football Insider, Tababare Pochettino ayaa hadda ogolaaday inuu noqdo hoggaamiyaha kooxda ku dheesha garoonka Stamford Bridge laga bilaabo wixii ka dambeeya bisha June.

Macallinka reer Argentine ayaa la sheegay inuu ku wargaliyay xubnaha qoyskiisa, qorshihiisa ah inuu doonayo inuu ku biiro kooxda ka dhisan Galbeedka Magaalada London.

51-sano jirkaan ayaa bishii July laga cayriyey shaqada kooxda Paris Saint-Germain, inkastoo loo diiwaan geliyey inuu la gaaray 55 guul 84 kulan oo uu hoggaamiyey kooxdaas.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button