2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupPremier LeagueWararka

Arsenal oo doonaysa caawa inay taariikhda la dagaallanto oo ay guul ku soo gaarto garoonka Etihad

Kooxaha Manchester City iyo Arsenal ayaa kuwada ballansan caawa garoonka Etihad kulan qeyb-ka ah horyaalka Premier League.

Koox waliba waxa ay doonayaa City iyo Gunners inay saddexda dhibcood gacanta ku dhigto, inkastoo Arsenal ay u baahan tahay inay taariikhda la dagaallanto oo ay dhibco ku soo qaadato garoonkaas.

Manchester City ayaa inta badan kooxda Arsenal ku garaacda garoonka Etihad kulammada horyaalka, iyadoo xitaa aan u ogolaanin inay Gunners dhibco kala soo laabato garoonkaas.

Markii ugu dambeysay oo ay Arsenal saddexda dhibcood kooxda Man City kaga soo qaadato garoonka Etihad waxa ay ahayd bishii December ee sanadkii 2015-kii.

Waxaa intaas sii dheer in kooxda Manchester City aysan ku fashilmin inay garaacdo Arsenal kulammada horyaalka ay marka ay garoonkeeda ku soo dhoweyso tan iyo bishii April ee sanadkii 2017-kii.

Arsenal waxaa caawa laga doonayaa inay taariikhda la dagaallanto oo ay saddexda dhibcood ku soo qaadato garoonka Etihad.

Yeelkeede marka dib loo eego taariikhda ay Man City garoonkeeda kaga haysato Arsenal horyaalka, Gunners waa ay adag tahay inay guul ku soo hesho garoonka Etihad oo ay saddexda dhibcood soo qaadato kulanka caawa.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button