2022 FIFA World CupPremier LeagueSerie AWararka

AC Milan oo dooneysa inay beeca xorta ah ku hesho Reiss Nelson

AC Milan ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso inay beeca xorta ah kula soo wareegto garabka Arsenal Reiss Nelson.

Nelson, oo Gunners ku sugnaa tan iyo markii uu sagaal sano jirsaday, ayaa ka soo ciyaaray kooxda dhalinyarada iyo ilaa kooxda waa weyn, isagoo dhaliyay 7 gool, waxaana uu caawiyay 7 gool 61 kulan oo uu saftay kooxdiisa Arsenal.

23-sano jirkaan ayaa waqti amaah ah kula qaatay Hoffenheim iyo Feyenoord dhowrkii sano ee la soo dhaafay, laakiin waxa uu ka sii mid ahaa kooxda Arsenal xilli ciyaareedka 2022-23.

Nelson ayaa ka soo muuqday kooxdiisa Arsenal 13 kulan xilli ciyaareedkan, waxa uu dhaliyay seddex gool isagoo caawiyay seddex gool.

Inkastoo uu xiriir xoogan la leeyahay kooxda ka dhisan Waqooyiga London, mustaqbalka ciyaaryahanka reer England ayaa laga yaabaa inuu ku dhawaado albaabka laga baxo ee Emirates Stadium.

Ciyaaryahanka ka soo qalin jabiyay akadeemiyada Arsenal ayaa qandaraaskiisu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedkan, waxaana weli la isku afgaran la’yahay heshiis cusub.

Nelson waxa lagu heli karaa beeca xorta ah dhamaadka xilli ciyaareedkan, taas oo heegan galisay kooxda reer Talyaani ee AC Milan.

Sida laga soo xigtay Football Italia, AC Milan ayaa xiisaynaysa in ay Nelson keento Italy hadii ay ku guul daraysato iney xafidato kooxdiisa Arsenal.

Kooxda Stefano Pioli ayaa la filayaa in ay la soo saxiixato xiddig garabka ka ciyaara suuqa xagaaga sabab la xiriira hubanti la’aanta ku hareeraysan xiddigahooda waaweyn ee laga yaabo iney kooxda ka tagaan.

Rafael Leao ayaa galay 12-ka bilood ee ugu dambeeyay qandaraaskiisa, waxaana lala xiriirinayay inuu ka tagayo San Siro xagaagan inkastoo uu diiday dalabyo uu ka helay kooxaha Chalsea & Real Madriid.

AC Milan ayaa sidoo kale ka walaacsan qaab ciyaareedka aan lagu qancin ay soo bandhigeen Ante Rebic iyo Charles De Ketelaere, kuwaas oo labadooduba ku dhibtoonaya iney dhaliyaan goolal  xilli ciyaareedkan.

Rebic ayaa loo diiwaan geliyay kaliya seddex gool 29 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkan, halka De Ketelaere uusan wali u dhalin wax gool ah kooxda Rossoneri kaddib markii uu kaga soo biiray Club Brugge xagaagii hore.

Nelson, ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo inuu sii joogo Arsenal, waxaana uu haatan diirada saari doonaa inuu ka caawiyo hogaamiyaasha Premier League inay hantaan hanashada horyaalka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button