Wareysi: “Abdelwahab Aden xulkeyga 17-jirrada Soomaaliya waxay ka yaabsan doonaan caalamka”
Abdelwahab Aden oo ka tirsan ciyaartoyda 17-jirada xulka qaranka Soomaaliya, una ciyaaro kooxda da’yarta IFK Uddevalla ee dalka Sweden ayaa sheegay in ay u joogaan Aljeeriya sidii ay u soo bandhigi lahaayeen kubbad ay ku qancaan malaayiin soomaali ah oo sugayo natiijada ay la sooo laaban doonaan ciyaartoyda da’yarta-17 jirada.
Waxa uu wareysi dhinacyo badan taabanayo siiyay Website-ka CAFOnline.com isagoo ka waramay diyaargarowgooda tartanka (AFCON) Un17 ee martigalinayaan dalka Algeria 2023.
Su’aasha koowaad.
>-Waa maxay hadafkaaga gaarka ah inta uu socdo tartanka?
Hamigaygu waa inaan xulkeyga ka caawiyo inay natiijo wanaagsan ka keeno tartankan, waxaan ku dadaalaynaa inaan qof walba tusno in Soomaaliya ay leedahay xul adag Waxaan halkaan u joognaa inaan muujino inaan tartami karno.
>-Waalidiintaada waxay ku hanweyn yihiin inay arkaan adigoo metelaya dalkii ay ku dhasheen Maxay tahay fariinta ay ku siiyeen ka hor intaadan imaan halkan?
Hooyaday iyo aabahay ayaa halkan ii soo diray si aan u matalo Soomaaliya intii karaankayga ah, Waxay igu dhiiragaliyeen inaan dadaalo oo aan sawir wanaagsan ka bixiyo Soomaaliya garoonka dhexdiisa iyo dibadiisaba waana mida igu kaliftay inaan hakan imaado oo matalo xulkeyga Soomaaliya.
>-Ma jiraa ciyaaryahan aad ka taageerto qaaradda Afrika iyo caalamkaba?
Haa Afrika, ciyaaryahanka aan ugu jecelahay waa Didier Drogba, waxaana mar walba ku hamiyaa inaan noqdo isaga oo kale halka Caalamka aan ka taageero Cristiano Ronaldo.
>-Maxaad u ballan qaadaysaa dadka Soomaaliyeed inta uu socdo tartankan?
Waxaan shacabka Soomaaliyeed u balan qaadaynaa in aan ku dadaali doono sidii aan ugu guuleysan lahayn tartankan, isla markaana aan soo bandhigi doono muuqaal qurux badan oo dalkeenna ka muuqda garoonka iyo dibaddiisa, Waxaan rabnaa inaan muujino inaan sidoo kale u tartami karno oo aan haysano waxa loo baahan yahay si aan u noqono kuwa ugu sarreeya tartanka.
>-Noqoshada Ciyaartoyga ugu wanaagsan tartankan ma xiiseyneysaa adiga?
Dabcan haa Qof kastaa wuxuu rabaa inuu ciyaaro oo uu noqdo kan ugu fiican, haddii aan ku guuleysto, markaas runtii waan ku farxi doonaa Taasi waxay ii tahay hadaf wayn.
>-Maxaad ka codsaneysaa taageerayaasha ka hor kulankiina ugu horreeya?
Waxaan taageerayaasheenna ka codsanayaa inay noo hiiliyaan, noo duceeyaan oo aynaan ka niyad jabin, Waxaan sameyn doonaa dadaalkeenna ugu fiican.
Astaan Sports