SAWIRRO: Xulka qaranka da’yarta 17-da Soomaaliya oo guuldarro kala kulmay dhigooda Algeria tartanka (AFCON)
Xulka qaranka da’yarta 17-jirada Soomaaliya ayaa guuldarro kala kulmay kulankii koowaad ay ciyaareen heerka guruubka tartanka CAF U17 Cup of Nations.
Ciyaartan oo ka tirsanayd guruub A waxaa wada ciyaaray xulalka qaran da’yarta 17-jirada Algeria iyo Soomaaliya, kulankan ayaa lagu ciyaaray garoonka kubbadda cagta Stade De Nelson Mandela oo ku yaalo dalka Algeria.
Xulka qaranka Algeria ayaa hoggaanka ciyaarta la wareegay kaddib markii kubbad uu qalday kabtanka Soomaaliya daafaca dambe ciyaaryahanka lagu magacaabo Cabdulle Cabdi uu jidka u galay weeraryahanka lambarka 9-aad Moslem Anatouf daqiiqadii 22-aad ee ciyaarta waxaana qaybtii koowaad lagu kala nastay 1-0 oo hoggaanka ku hayso xulka Algeria.
Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee cayaarta waxay wiilasha xulka qaranka Soomaaliya ay sameeyeen iskudayo badan hase yeeshee uma suuragalin waxaana quusiyay weerayahanka xulka Algeria Moslem Anatouf oo ka dhaliya goolkiisa labaad ee kulanka daqiiqadii 51-aad ee ciyaarta, natiijada kulanka ayaana ku soo dhammaatay 2-0 oo ku adkaatay xulka Algeria.
Garsooraha kulankan wuxuu ahaa Patrice Tanguy Mebiame oo u dhashay dalka Gabon isagoo bixiyay kaar digniinta xulka qaranka da’yarta 17-jirada Algeria waxaa la siiyay kaarka digniinta xiddigaha kala ah lambarka 5-aad Y. Benali daqiiqadii 43-aad, iyo lambarka 8-aad, S. Chetioui daqiiqadii 57-aad halka ciyaartoyda da’yarta 17-jirada Soomaaliya la siiyay kaliya hal kaar oo ah kaarka digniinta lambarka 4-aad Abdulkadir Osman daqiiqadii 83-aad dhammaadkii ciyaarta.
Si kastaba xulka qaranka 17-jirada Soomaaliya ayaa kulanka labaad la ciyaari doono xulka qaranka 17-jirada Congo 02/05/23 oo ah maalinta Talaadada saacadda geeska afrika marka ay tahay 10:00 fiidnimo halka xulka qaranka 17-jirada Algeria ay isla habeenka talaadada ay la ciyaari doonaan xulka qaranka 17-jirada Senegal.