2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupLIVERPOOLPremier LeagueWararka

Sadio Mane ku soo laabanaya kooxda Liverpool… (Maxay tahay sababtu?)

Sida wararku ay sheegayaan ciyaaryahanka garabka weerarka uga ciyaara naadiga Bayern Munich ee Sadio Mane ayaa aad u jecel inuu ku soo laabto horyaalka Premier League iyo kooxda Liverpool marka uu dhammaado xilli ciyaareedkan.

Sadio Mane ayaa suuqii xagaaga isaga tagay Liverpool waxaana uu u dhaqaaqay Bayern Munich kaddib markii uu go’aansaday inuu tartan cusub raadsado oo uu ka baxo Premier League.

Yeelkeede, Mane ayaa si weyn ugu dhibtoonaya naadiga Bayern Munich iyo horyaalka Bundesliga, isagoo aan si fiican ku bilaaban kal ciyaareedkan.

Wararka laga helayo gudaha dalka Jarmalka ayaa warinaya in Mane uu aad u jecel yahay inuu dib ugu soo laabto kooxdiisii hore ee Liverpool dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Wargeyska Bild ee ka soo baxa dalka Jarmalka ayaa warinaya in mane uu doonayo inuu qirto qaladkii uu ku kacay suuqii xagaaga kaa soo ahaa inuu isaga tagay kooxda lagu naynaaso Reds, isla markaana uu haatan Mane doonayo inuu ku laabto Premier League, isla markaana markale ka hoos ciyaaro tababare Jurgen Klopp.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button