2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupArsenalPremier LeagueWararka

Macallinka Arsenal ee Mikel Arteta oo ka jawaabay haddii weli ay xiddigihiisu aaminsan yihiin inay ku guuleysan karaan horyaalka.

Tababaraha kooxda kubadda cagta Arsenal ee Mikel Arteta ayaa xaqiijiyey in xiddigihiisu ay weli aaminsan yihiin in hanashadooda horyaalka Premier League ay suurtagal tahay kaddib guushii 3-1 oo ay xalay ka gaareen Chelsea.

The Gunners ayaa garoonkeeda Emirates ku soo dhoweysay kooxda ay ku xafiiltamaan London ee Blues, iyadoo sidaas ku soo gabagabaysay afar kulan oo xiriir ah oo aysan guul gaarin.

Guuldarradii 4-1 oo Arsenal kala soo kulantay todobaadkii la soo dhaafay kooxda xafidanaysa horyaalka Premier League ee Man City ayaa la macno ah in horyaalka uu gacmahooda ka baxay, laakiin waxa ay arrintaas kaga jawaabeen inay xalay karbaasheen kooxda uu hoggaamiyo Macallin Frank Lampard.

Wiilasha Tababare Arteta ayaa saddex gool dhaliyey qeybtii hore ee ciyaarta, waxaana ay soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah, iyadoo Granit Xhaka uu labo gool ka caawiyey Martin Odegaard ka hor inta uusan Gabriel Jesus markale booqan shabaqa Chelsea.

Kooxda martida ah ayaa hal gool u soo celisay bartamihii qeybtii labaad ee ciyaarta waxaana u dhaliyey Noni Madueke, laakiin Arsenal ayaa qaadatay guul raaxo leh, Arteta ayaana ku adkaystay in kooxdiisu aanay ka niyad jabin tartanka horyaalka kaddib markii ay kaalinta koowaad kala baxeen wiilasha Tababare Pep Guardiola oo caawa ciyaaraya.

Mar la waydiiyay in ciyaartoydiisu ay wali aaminsan yihiin in horyaalka ay ku guuleysan karaa Arteta waxa uu ku jawaabay si aan ka leex leexad lahayn, inkastoo uu aad uga xumaaday in kooxdiisu ay wax gool ah dhalin wayday qaybtii dambe ee ciyaarta.

“Waa hubaal, taas waan ka wada hadalnay, hadda waxaan joognaa meesha ugu sarreysa, afar kulan ayaa inoo harsan, waa inaan hadda u diyaar-garownaa Newcastle, aan aragno waxa dhaca, waxa aan xakameyn karno waa inaan badino kulamadeenna iyo inaan sameynno taas, waa inaan sameynnaa bandhigga ugu macquulsan.” ayuu yiri Macallin Arteta oo la hadlayay Website-ka kooxda ee Arsenal.com.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button