SAWIRRO: Xulka qaranka da’yarta 17-jirada Soomaaliya oo barbaro la galay dhigooda Congo tartanka (AFCON)

Xulka qaranka da’yarta 17-jirada Soomaaliya ayaa barbaro la galay kulankii labaad ay wajaheen xulka qaranka Congo heerka guruubka tartanka CAF U17 Cup of Nations.
Ciyaartan oo ka tirsanayd guruub A waxaa wada ciyaaray xulalka qaran da’yarta 17-jirada Soomaaliya iyo Congo, kulankan ayaa lagu ciyaaray garoonka kubbadda cagta Stade De Nelson Mandela oo ku yaalo dalka Algeria.
Ciyaaryahanka lambarka 22-aad ee xulka qaranka dalkeenna Soomaaliya Dini Mohamed Dahir ayaa hoggaanka u dhiibay xulkeenna daqiiqadii 32-aad, qaybtii hore ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0.
Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta ciyaaroyda xulka qaranka Congo waxay muujiyeen dadaalo badan si ay u helaan goolka barbaraha, ciyaaryahanka lambarka 18-aad ee Congo Ayel Wumba Niati Nzouz ayaa ciyaarta ka dhigay barbaro 1-1 ah daqiiqadii 58-aaad qaybtii labaad ee ciyaarta.
Natiijada kulanka ayaa ku soo dhammaatay 1-1 wallow labada dhinac ay abuureen fursado dhan kasta qatar ku ahaa hase yeeshee aysan ka faa’ideysan labada xul.
Garsooraha kulankan waxay ahayd haweeneyda lagu magacaabo Vincentia Enyonam Amedome oo u dhalatay dalka Togo, taasoo bixisay min hal kaar oo ah kaar digniinta, xulka qaranka da’yarta 17-jirada Soomaaliya waxaa la siiyay kaarka digniinta xiddiga lambarka 3-aad Khalid Ahmed Hassan daqiiqadii 44-aad halka xulka Gongo la siiyay ciyaaryahanka lambarka 13-aad Aaron Chance François Maniongui daqiiqadii 45-aad dhammaadkii qaybtii koowaad.
Xulka qaranka 17-jirada Soomaaliya ayaa kulankooda saddexaad la ciyaari doono xulka qaranka 17-jirada Senegaal 05/05/23 oo ah maalinta Jimcaha saacadda geeska afrika marka ay tahay 10:00 fiidnimo.
Si kastaba guruubka A waxaa hoggaanka u hayo xulka Senegal oo guul gaaray labadii ciyaar ay soo ciyaareena waana xulka kaliya ee xaqiijiyay iney u soo gudbeen wareegga labaad ee tartanka 17-jirada (AFCON) xulka dalkeenna Soomaaliya ayaa u baahan iney garaacaan xulka Senegal si ay u xaqiijiyaan iney ka soo gudbaan heerka guruubka tartanka 17-jirada (AFCON) oo ka soconayo dalka Algeria.







